MASAAJID CALI-GUDUUD (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeekaha dhexe ayaa sheegaya in xalay weerar xoogan lagu qaady dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan oo isku diyaarinayay inta u dhexeysa deegaannada Towfiiq iyo Geedi-xeyr oo ku dhaw Degmada Masaajid Cali-Guduud.
Weerarka oo ay iska kaashadeen ciidamada Xooga Somalia iyo kuwa deegaanka ama macawisleyda loo yaqaan ayaa alshabaab looga saaray halka dirritu ka dhacayday iyo deegaanka Geedi-xeyr.
Sarkaal u hadlay ciidamada iskaashanayay ayaa saxaafada u sheegay inay weerarkooda guul ka gaareen islamarkaana ay ku qabsadeen halkii Alshabaabku isku urursanayay sidoo kalana ay khasaare dhimasho iyo dhaawacba gaarsiiyeen.
Maalmihii ugu dambeeyay dagaal ka dhan ah Alshabaab ayaa ka socday labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kuwaasoo u badan kuwo ku dhufoo ka dhaqaaq ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM