BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Bay ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxda alshabaab ay weerar culus ku qaadeen xero ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Awdiinle,waxaana dhexmaray labada dhinac is rasaaseyn xooggan.
Dadka deegaanka ayay cabsi badan soo wajahday daqiiqadihii dagaalku socday iyadoo daryanka madaafiicda iyo huganka rasaasta ay aad u maqlayeen dadka deegaanka.
ma jirto wax faahfaahin ah oo laga helay ilaa iminka dagaalkaasi arka la eego wararka madaxa banaan, sidoo kale dhinacyada laftigooda wax wara lagama helin intaan ka war heyno.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM