XIGASHO KOOXDA.COM
Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay heshiis weyn ka gudbiso Viktor Gyokeres laakiin wali ma soo gudbin dalab Rasmi ah oo ay ku doonayso weeraryahanka Sporting Lisbon.
Ka dib markii ay seegeen koobab mar kale, Gunners ayaa diyaar u ah inay lacag badan ku qarashgareyso xagaagan oo ay Mikel Arteta ku hubeyso koox awood u leh inay ku guuleysato koobab waaweyn xilli cigaareedka dambe.
Weeraryahan cusub ayaa loo arkaa mid lama huraan ah, agaasimaha isboortiga Andrea Berta ayaa la sheegay inuu ku riixayo kooxdiisa cusub inay u dhaqaaqdo xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden.
Arteta ayaa aad u jeclaa Alexander Isak laakiin weeraryahanka Newcastle uma badna in la gaari karo halka ay jiraan shaki laga qabo Benjamin Sesko oo ku dhawaaday inuu ku biiro Arsenal xagaagii hore.
Gyokeres, oo 27 jir noqon doona bisha soo socota, ayaa u dhaliyay 95 gool 100 kulan oo uu u saftay Sporting, waxaana uu doonayaa inuu dib ugu laabto England ka dib markii uu hore u soo maray Coventry iyo Brighton horaantii xirfadiisa.
Sida laga soo xigtay The Mirror, Arsenal ayaa loo sheegay heli doonaan xiddiga hadii ay bixiso lacag dhan 60 milyan oo euro.