=XIGASHO LAACIB.NET=
Arsenal ayaa ku dhow inay dhameystirto laba saxiix ka hor suuqa xagaaga.
Tababaraha Gunners, Mikel Arteta, ayaa horey uga hadlay qorshayaasha uu ku xoojinayo kooxdiisa kahor xilli ciyaareedka soo socda.
Arteta ayaa aad u doonaya inuu xoojiyo kooxdiisa kaddib markii ay mar kale ku guuldarreysteen Premier League iyo Champions League.
Guuldarradii 2-1 ahayd ee ay ka qaateen Paris Saint-Germain ee Champions League Arbacadii, waxay ka dhigan tahay in Arsenal aysan hanan doonin wax koob ah xilli ciyaareedkan.
Khaladaad laga galay go’aannada suuqa kala iibsiga labadii jeer ee u dambeeyay ayaa si weyn u saameeyay kooxda. Laakiin horumar ayaa haatan laga sameynayaa sidii loo xallin lahaa daldalada ka muuqda kooxda.
Sida laga soo xigtay Independent, heshiiska lagu keenayo Martin Zubimendi oo ka socda Real Sociedad ayaa ku dhow in la dhameystiro.
Sidoo kale, goolhayaha da’yarta ah ee ugu qiimaha badan Yurub, Joan Garcia, ayaa la sheegay inuu si dhow ugu dhow yahay inuu heshiis la gaaro Arsenal, isagoo tartan adag u galaya booska koowaad ee goolhayaha oo uu hadda hayo David Raya.