HomeWarkiiAskari reer Somaliland ah oo Hargeysa ku laayay qoyskiisa

Askari reer Somaliland ah oo Hargeysa ku laayay qoyskiisa

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Askari ka tirsan Maamulka Somalilnd ayaa la soo sheegayaa inuu shalay laayay qaar ka mid ah qoyskiisa halka midna uu dhaawac culus u geystay kadib markii uu rasaas ku furey.
Askarigaan oo xaafada Faluuja ee Hargeysa ka gaystay dhibaatadaani ayaa dilay oo nafta dhaafiyay xaaskiisa iyo Gabar uu dhalay halka dhaawac halis ahna uu gaarsiiyay gabar dumaashidiis ah.
Mid ka mida caruurtii ka bad-baaday weerarka askarigaani qoyskiisa ku qaaday ayaa sheegay in aabihiis aroortii hore baxay kadibna soo laabtay isagoo qorey wata sidaasna reerka ku laayay.
“aabe subaxnimadii hore ee ayuu guriga ka baxay ,kadibna qorey ayuu meel ka soo qaatay, markii uu guriga soo galay ayuu hooyo oo fadhiday jikada toogtay”ayay tiri gabar uu dhalay askariga oo la hadlaysay warbaahinta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -