HomeWarkiiIsbarbardhig: Yaa awood badan ciidamada Hindiya iyo Pakistan?

Isbarbardhig: Yaa awood badan ciidamada Hindiya iyo Pakistan?

=XIGASHO BBC SOMALI=Hindiya

Dowladda Hindiya ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ciidamadeedu ay fuliyeen hawlgal lagu magacaabo ‘howlgalka Sindoor’ oo ka dhacay gudaha Pakistan iyo Kashmiir, qaybta ay Pakistan maamusho.

Dowladda Hindiya waxay sheegtay in hawlgalkan lagu bartilmaameedsaday xarumo “ay argagixisadu ku leeyihiin” gudaha Pakistan iyo Kashmiir dhanka Pakistan ay haysato, kuwaasoo laga soo abaabulay weerarro lagu qaaday gudaha Hindiya.

Qoraalka sidoo kale waxaa lagu sheegay in guud ahaan sagaal goobood la weeraray.

Dhinaca kale, telefishinka dowladda Pakistan oo soo xiganaya afhayeenka ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ciidamada Hindiya ay saddex goobood ku garaaceen gantaallo.

Waa maxay digniinta uu bixiyay jeneraalka hawlgabka ah?Ciidanka Cirka ee Hindiya waxa uu haystaa 10 kun oo dagaalyahan oo cirka ah iyo wadar ahaan 2,229 diyaaradood

Khubarrada la socdo siyaasadda Koonfurta Aasiya meesha kamaaney saarin suurtagalnimada ah in Hindiya ay qaaddo tallaabo ciidan oo kooban, taasoo keeni karta dagaal buuxa.

Si kastaba ha ahaatee, Sarreeye Gaas S.H. Panag oo howlgab ah ayaa ka digay in si deg-deg ah go’aan dagaal loo qaato.

Maqaal uu ku qoray bogga The Print, wuxuu ku sheegay in Pakistan ay tahay waddan hub nukliyeer haysta isla markaana leh awood ciidan oo caadi ah oo ay kaga jawaabi karto weerar ciidan oo kooban oo kaga yimaada Hindiya.

Wuxuu qoray, “Hindiya ma jirto meel ay ku leedahay horumar farsamo oo la taaban karo, ha noqoto gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama awoodda ciidanka cirka, si ay u fuliso weerar cad oo aan khasaaro gaysan. Pakistan waxay leedahay awood ay kaga jawaabto, waana in aan u diyaar garownaa taas.”

Dhinaca kale, wareysi uu siiyay BBC, Wasiirka Difaaca Pakistan Khawaja Asif wuxuu sheegay in ciidamadooda ay horey u diyaarsanaayeen: “Ma aha in aan hadda diyaargaroobayno. Horey ayaan u diyaar garownay. Waxaan u diyaarsanahay xaalad kasta oo imaan karta.”

Sabtidii, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa isna sheegay, “haddii la qaado tallaabo kasta oo halis ah, jawaab ayaa la bixin doonaa sidii tii 2019-kii.”

Wuxuu tixraacayay weerarkii cirka ee ay Hindiya ku qaadday Balakot kadib weerarkii argagixiso ee Pulwama, markaas oo uu dhacay iska horimaad kooban oo u dhexeeyay ciidammada cirka ee labada dal.

Xoogga ciidamada HindiyaCiidanka Hindiya waxa ay haystaan ​​ilaa 22 oo ciidan ah, 4,201 taangiyo ah, iyo ilaa 1.5 baabuurta gaashaaman ah

Sida laga soo xigtay warbixinta Global Fire Power, waxaa jira farqi siddeed ceyn ah oo u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan marka ay timaaddo qiimeynta awoodda milatari ee sanadka 2025-ka.

Marka la eego awoodda ciidan ee caalamiga ah sanadka 2025, Hindiya waxay kaga jirtaa kaalinta afaraad marka la xisaabiyay 145 dal, halka Pakistan ay ku jirto kaalinta 12-aad.

Ciidanka dhulka ee Hindiya waxa uu ka kooban yahay ku dhowaad 22 milyan oo askari, 4,201 taangi, ku dhawaad 1.5 milyan oo baabuurta gaashaaman ah, 100 qori iyo 3,975 qoryaha culus . Waxa intaas dheer 264 madaafiicda dhuumaha badan ee BM-ka.

Ciidanka cirka ee Hindiya waxa uu leeyahay saddex milyan iyo 10 kun oo askarta ciidanka cirka ah iyo guud ahaan 2,229 diyaaradood, oo ay ku jiraan 513 diyaarado dagaal ah iyo 270 diyaarado xamuul ah. Waxa kale oo ku jira 130 diyaarado ah kuwa qaada weerarrada, 351 diyaarado tababar ah iyo lix diyaarado shidaal-qaadayaal ah.

Guud ahaan, saddexda laan ee ciidanka Hindiya waxay haystaan 899 diyaarado qumaatiga u kaca (helicopters), oo ay ka mid yihiin 80 diyaarado weerarro fuliya.

Ciidanka badda ee Hindiya waxa uu leeyahay 1.42 milyan oo ciidamada badda ah iyo 293 markab, oo ay ku jiraan labo markab oo diyaaradaha xambaara, 13 burburiyayaal, 14 markab dagaal fudud, 18 markab oo ah nooca quusa, iyo 18 markab oo ah kuwa yaryar ee dagaalka.

Dhinaca kaabayaasha iyo saadka, ciidanka Hindiya wuxuu haystaa 311 garoon diyaaradeed, 56 dekadood, 6.3 milyan oo kiiloomitir waddooyin ah iyo 65 kun oo kiiloomitir oo khad tareen ah.

Awoodda ciidanka PakistanCiidamada Pakistan waxay leeyihiin ku dhawaad ​​​​13.11 oo ciidan ah

Sida laga soo xigtay Global Fire Power, ciidanka Pakistan waxay haystaan qiyaastii 1,311,000 oo ah askarta ciidanka dhulka, 124,000 oo ciidan badeed ah, iyo 78 kun oo askari oo ah ciidanka cirka.

Pakistan waxay leedahay guud ahaan 1,399 diyaaradood, oo ay ku jiraan:

  • 328 diyaarado dagaal ah
  • 90 diyaarado weerar ah
  • 64 diyaarado xamuul ah
  • 565 diyaarado tababar ah
  • 4 diyaarado shidaal-dhiibayaal ah (tanker aircraft)
  • 373 diyaarado qumaatiga u kaca (helicopters), oo ay ka mid yihiin 57 diyaarado weerar ah

Sidoo kale waxay leedahay:

  • 2,627 taangi
  • 17,500 gaari oo gaashaaman
  • 662 qoryo is rida
  • 2,629 qoryo culus
  • 600 qoryaha daran-dooriga u dhaca

Ciidanka badda ee Pakistan wuxuu leeyahay guud ahaan 121 markab dagaal, oo ay ka mid yihiin:

  • 9 Kuwa dagaalka ah
  • 9 kuwa yaryar ee dagaalka
  • 8 markab oo ah kuwa quusa
  • 69 markab oo ah kuwa kormeerka smaeeya

Dhinaca kaabayaasha, Pakistan waxay leedahay:

  • 3 dekadood
  • 116 garoon diyaaradeed
  • 60 markab ganacsi ah (merchant marine fleets)
  • 264,000 kiiloomitir oo waddooyin ah
  • 11,900 kiiloomitir oo khadad tareen ah

Yaa haysta hubka ugu badan?

Sida lagu sheegay warbixin 2024-kii ay soo saartay hay’adda Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI), oo laga leeyahay dalka Sweden Hindiya waxay haysataa 172 madax qaada gantaallada nukliyeer, halka Pakistan ay haysato 170 madax oo ah kuwa qaada gantaallada nukliyeer ah.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga si sax ah inta madax ee gantaallada qaada ee labada dal si toos ah ugu diyaariyeen isticmaal (deployed).

Hay’addan SIPRI waxay sheegtay in Pakistan ay si gaar ah u horumarinayso hubkeeda nukliyeer si ay ula tartanto Hindiya, halka Hindiya ay diiradda saarayso horumarinta hubka ridada dheer, kuwaasoo awood u leh in ay gaaraan Shiinaha.

Dhinaca kale, Shiinaha, oo ah dariska Hindiya iyo Pakistan isla markaana ah awoodda nukliyeer ee saddexaad ee ugu weyn dunida, ayaa tirada hubkiisa nukliyeer korortay 22%, iyadoo laga soo qaaday 410 madax-gantaal laguna kordhiyay ilaa 500.

Tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Sida uu qoray weriyaha BBC Urdu Shakeel Akhtar bishii Nofeembar ee sannadkii hore, Hindiya iyo Pakistan ayaa si xawli ah u kordhinayay tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Sida uu sheegay falanqeeye arrimaha difaaca Rahul Bedi, Hindiya waxay yeelan doontaa ilaa shan kun (5,000) oo drones ah labada ilaa afarta sano ee soo socota.

Wuxuu intaas ku daray in, inkastoo Pakistan ay leedahay “drones ka yar Hindiya”, haddana kuwa ay haysato ay leeyihiin awoodo kala duwan oo ay ka samaysan yihiin 10 ilaa 11 nooc oo kala duwan.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, Hindiya waxay heshiis 3.5 bilyan oo dollar ah la saxiixatay Mareykanka si ay uga iibsato 31 diyaaradood oo nooca Predator ah.

Diyaaradaha Predator waxaa loo arkaa kuwa ugu guulaha badan uguna halista badan ee dunida.

Iyadoo diyaaradahaasi ay jiraan, ayaa waxaa sidoo kale la iibsanayaa bambooyin iyo gantaallo qiimahoodu yahay 500 milyan oo doollar, kuwaasoo loo adeegsan doono in lagu burburiyo bartilmaameedyada iyadoo la adeegsanayo drones-kaas.

Sida uu sheegay Rahul Bedi, Pakistan waxay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka soo dejisaa Turkiga iyo Shiinaha. Si kastaba, sidoo kale waxay ka soo iibsataa Jarmalka iyo Talyaaniga.

Pakistan waxay sidoo kale soo saartay diyaaradaha drones-ka ah ee Barraq iyo Shahpar.

Pakistan waxay haysataa diyaaradaha casriga ah ee Turkiga ee ‘Bayraktar’ TB2 iyo Akenji, halka ay sidoo kale ka heshay Shiinaha diyaaradaha nooca ‘Wing Loong II’ iyo ‘CH-4’.

Xiisadda ayaa gaartay meeshii ugu sareysay kadib weerarkii PahalgamHindiya waxay saxiixday heshiis ay ku iibsanayso 31 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Predator oo ku kacaya 3.5 bilyan oo doollar

Xiisad xooggan ayaa ka dhex aloosan Hindiya iyo Pakistan kaddib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Pahalgam, oo ku taalla Jammu iyo Kashmir.

Hindiya ayaa qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin: joojinta heshiiskii biyaha ee Indus Water Treaty ee u dhexeeyay labada dal, xiridda xuduudaha laga tallaabo, iyo in la joojiyo fiisayaashii muwaadiniinta Pakistan la siin jiray.

Dhanka kale, Pakistan waxay ku dhawaaqday in ay ka baxday heshiiskii Shimla ee la gaaray sanadkii 1972, waxayna sheegtay in isku day kasta oo lagu joojinayo ama lagu leexinayo biyaha webiyada loo aqoonsan doono “fal dagaal” lagana bixin doono jawaab xooggan.

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee labada dal ayaa isdhaafsanayay digniino kulul iyo hadallo adag oo ay ku dalbanayaan in la bixiyo jawaab adag oo la mid ah falalka dhacay.

Markii ugu horreysay tan iyo weerarkii Pahalgam, Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa si cad uga hadlay isu soo bax uu ka jeediyay khudbad, wuxuuna yiri: “Argagixisadii weerarka fulisay waxay mutaysan doonaan ciqaab ka weyn mala-awaal.”

Wuxuu intaas ku daray: “Fariintan waxaan u dirayaa caalamka oo dhan — Hindiya waxay aqoonsan doontaa oo ciqaabi doontaa argagixis kasta iyo cid kasta oo taageerta… Waqtigii la burburin lahaa saldhigyada argagixisada ee haray wuu yimid.”

Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Hindiya, CR Patil, ayaa isna yiri: “Istaraatiijiyad ayaa la dejinayaa si loo hubiyo in Pakistan aysan helin xitaa dhibic biyo ah.”

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa sheegay in ay si xooggan uga jawaabi doonaan haddii wax tallaabo ah laga qaado, halka Wasiirka Difaaca ee Pakistan Khawaja Asif uu BBC-da u sheegay in “wax kasta oo la xiriira heshiiska Indus Water Treaty ay u aqoonsan doonaan ku dhawaaqid dagaal.”

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -