HomeWarkiiBeesha caalamka oo loogu baaqay in aysan cidleyn Soomaaliya

Beesha caalamka oo loogu baaqay in aysan cidleyn Soomaaliya

XIGASHO BBC SOMALI
Qaramada Midoobay

Ergayga madaxabannaan ee dhiiri gelinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xuriyadaha aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay, Ben Saul, oo booqasho ku joogay Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id uu qabtay ugu baaqay beesha caalamka in aan Soomaaliya la cidleynin. Ergayga wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyadoo Soomaaliya ay kula jirto dagaal ururada Al-shabaab iyo Daacish.

Khabiirkan madaxabannaan ee Qaramada Midoobay oo ugu baaqay beesha caalamka in Soomaaliya aan la cidlayn xiligan adag balse waxa uu walaac ka muujiyay xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

“Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah sharciyada Soomaaliyeed ay qaateen qeexitaan xad dhaaf ah iyo dembiyo argagixiso, iyo sidoo kale awoodo ballaaran oo sirdoon iyo awood amni oo hoos imaanaya Xeerka La-dagaalanka Argagaxisada iyo Xeerka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, kuwaas oo wax u dhimi kara xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha” ayuu yiri khabiirka oo intaas ku daray, “Waxaan sidoo kale ka walaacsanahay in dembiyada argagixisanimada qaarkood ay soo jiitaan ciqaabta dilka iyadoo markaasi aysan ahayn in dil lagu fuliyo sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah”.

Ben Saul ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha xabsiyada Soomaaaliya isoo sheegay in xabsiga dhexe ee Muqdisho oo ah mid qadiimi ah oo loogu tala galay in lagu xiro 500 ay hadda ku xiranyihiin maxaabiis gaareysa1600.

“Waxaan sidoo kale ka walaacsanahay in xaaladaha xabsiyada Soomaaliya oo dhan, kuwaas oo lagu xiro dadka lagu tuhmayo argagixisada iyo maxaabiista la xukumay aysan gaarsiisneyn heerka ugu hooseeya ee caalamiga ah” ayuu yiri Mr Saul oo intaas ku daray, “Waxaan booqanay xabsiga dhexe ee Muqdisho kaas oo ay ku xiran yihiin ilaa 1600, maxaabiistaas 1,200 ka mid ah waxaa lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin al-Shabaab”.Xabsi

Khabiirka waxa uu sheegay, inkasta oo ay dadaal badan sameeyeen maamulka xabsiga oo isticmaalaya dhaqaalahooda kooban, haddana waxaa ka muuqda ciriiri iyo xaalado u baahan in si weyn loo hagaajiyo.

Ben saul ayaa uga baaqaday beesha caalamka in ay joogto ka dhigto garab istaaga Soomaaliya. Khabiirka wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay waxyeelada dadka rayidka ka soo gaari karta duqeymaha ay geystaan dowlada Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamiga ah.

“Qaar ka mid ah, dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah saaxiibadooda, gaar ahaan Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ku hawlan duqeymaha ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, waxaan ka walaacsanahay daah-furnaan la’aanta ku xeeran dadkaas, adeegsiga hubkaas, waxaan ku dhiirigelinayaa maamullada in ay xaqiijiyaan in duqeymaha cirka ay ka amar qaataan oo ay maamusho dowladda Soomaaliya, si ku habboonna ay u fasaxdo dowladda Soomaaliya”.

Khabiirka waxa uu sheegay in sanadahii ugu dambeyay Soomaaliya ay horumar ka sameyneysay shuruucda caalamiga ee xuquuqul insaanka balse dhanka xurriyada hadalka ayuu sheegay in ay soo gaareen tacadiyo loo geystay saxafiyiinta.

“Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay tiro badan oo warbixinno ah oo aan helay oo ku saabsan xarig aan sabab lahayn, weerarro, caga-jugleyn, iyo xitaa dacwadaha suxufiyiinta ka warramaya argagixisanimada iyagoo si fudud shaqadooda u gudanaya” ayuu yiri khabiirka oo intaas ku daray, “waxaa intaas u sii dheer, hanjabaadaha ka imaanaya Al-Shabaab, iyo qaar ka mid ah warbaahinta dowladda ayaa shaqada ka joojisay”.

Ergayga madaxabanaan ee dhiiri gelinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xuriyadaha aasaasiga ah, Ben Saul ayaa bisha Maarso ee sanadka 2026 u gudbin doono golaha Xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobe warbixin faah-faahsan oo ku saabsan natiijada safarkiisa Soomaaliya.

XIGASHO BBC SOMALI

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -