MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida goor dhaw uu shaaciyay TV-ga Shaballe Ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia ayaa goor dhaw xabsiga u taxaabay Wariyayaal ka tirsan TV-gaani kuwaasoo kala ah C/naasir C/qaadir Saalax iyo C/naasir Yuusuf Sayid Cali Socdaal.
Sidoo kale wariyayaal kale oo iyagana u shaqeeya SYL TV ayaa lala xiray labada wariye ee Shabelle kuwaasoo dhamaantood aaney Dowaldu wali sheegin sababta ay xarigooda ka danbeysa.
Warbaahinta Shabelle waxay sheegtay in marka wariyayaasha la xirayay ay ku howlnaayeen ra’yi aruurin shacbi oo ku saabsaneyd dhaq-dhaqaaqa siyaasiyiinta mucaaradka ay shalay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.
Wariyayaasha markii Booliisku kaxaysanayeen waxay ku sugnaayeen
wadada Maka Al-Mukarama waxaana lagu wadaa in saraakiisha Dowladu sharixi doonaan qaladaadka lagu heystow wariyayaasha.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
