Waxaa xaalad adag sii galaya Dowladnimada Itoobiya iyadoo marba marka ka danbeysay ay god ku sii dhaceyso wada-jirka iyo Dowladanimada Itoobiya oo ka mid ah Afrika adka ugu tirada badan.
Dagaalo aafeeyay dalkaasi ,kala danbeyn la’aan iyo abaaro macaluul sababay ayay Itoobiya si xooggan uga jira.
Tan iyo markuu dalka qabsaday Abiye Axmed Dowladu kaliya waxay si rasmi ah uga talisaa Adis-ababa oo ah caasimadooda madaama qabiilada ugu waaweyn ee dalkaasi dhamantood dowlada dagaalo kala hor maadeen gaar ahaan Tikreega iyo Amxaarada.
Wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in Qowmiyad Axmarada sameysteen Baasaboor uu dhexda kaga yaal calankoodii qabiil ahaan lagu yaqaanay taasoo cadeyneyda sii kala fogaanshaha Itoobiya.
Amxaarada ayaa sheegan jirtay wadaniyad ay dadka kale dheer yihiin waxayna reeraha kale ku sheegi jireen qaran dumis iyo dal kala goyn balse hada iyagii ayaaba u diyaar garoobaya sidii ay uga go’i lahaayeen Itoobiya inteeda kale.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM