HomeWarkiiC/casiis Lafta-gareen oo shirkii xalay ku amaanay doorashada dad-ban ee teendhada!

C/casiis Lafta-gareen oo shirkii xalay ku amaanay doorashada dad-ban ee teendhada!

May be an image of 1 person, dais and text

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Koofur-galbeed ahna gudoomiye ku xigeenka Xisbiga cadaalada iyo wada-jirka C/casiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa si la yaab leh xalay shirkii Xisbigaasi wuxuu amaan xooggan u jeediyay doorashada dad badan ee teendhada.

C/casiis inkastoo uu difaacay siyaasada xisbiga uu ka tirsan yahay ee qabashada doorasho qof iyo cod ah hadana wuxuu shirka ka cadeeyay in lagu soo mooday doorashadaasi islamarkaana lagu gaaray Dowlada-nimada maanta la heysto.

“aniga waxba kama sheegaayo doorashada dad-ban maxaa yeelay waa ku soo caana-maalnay, dowladnimadeena ayaan ku soo dhisnay,waxaa lagu soo doortay Madaxweyne Xassan iyo Madaxdii kale ee xukunka soo qabatay laakin sidaas ay tahay waxaan u baahanahay inaan fursad siino shacabka inay doortaan cidii ay rabaan”ayuu yiri C/casiis Laftagareen.

Lafta-gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sharaf u tahay inuu maanta u taagan ka shaqeynta doorasho qof iyo cod ah  xili uu shalay qeybta ka ahaa doorashada dad-ban.

“waa markii labaad oo aan urur siyaasadeed ka mid noqdo,kii 1-aad wuuu ahaa Ururkii RRA waxaana lagu gaaray horumar kana waxaan rajeynaa in sidaas oo kale horumar lagu gaaro”ayuu yiri Lafta-gareen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -