HomeWarkiiC/raxman C/Shukuur oo amaan kala dul dhacay hab dagaalanka Macawisleyda Xawaadke

C/raxman C/Shukuur oo amaan kala dul dhacay hab dagaalanka Macawisleyda Xawaadke

Siyaasiga caanka ah Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa amaan kala dul dhacay habka ay u dagaalamaan Macawisleyda  Beesha Xawaadlle.

Qoraalka Xildhibaanka oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Somalia ayaa sidan u qornaa:-

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu indhaha ku hayaa sida ay madaxda dowladdu masuuliyad isaga saaraan gurmadka iyo garab istaagga dagaalka ay kooxda argagexisada AS ku qaadeen degaannada beesha Xawaadle.

Waa dagaal jiritaan, argagexisadu waxay doonayaan in ay jebiyaan adkaysiga iyo ruuxda dagaal ee beesha, iyagoo kaga aargudanaya in horay uu jebiyeen haybadda iyo burjiga dagaal ee argagexisada. Dowladdu waa in ay gurmad ciidan, oo degdeg ah, saad iyo saanad la garab istaagtaa dagaalka.

Waxaan boggaadinayaa isku tashiga degaanka, waxaana ku dhiirragelinayaa in ay abaabulka laban-laabaan, akoonno taakulo furtaan, si ay shacabka Soomaaliyeed uga qaybqaataan.

Waxaan ugu baaqayaa degaananda iyo beelaha deriska la ah in ay walaalahood u gurmadaan, difaaca dalka iyo degaanka waajib ayaa idinka saaran, ha suginana inta cadawgu guryihiina idinku imaanayo.

Allaha u naxariisto shuhadadii ku nafwaayey dagaalka ka dhacay Mubaax iyo degaannada ku dhow, Allahana caafimaad degdeg ah ha siiyo inta dhaawaca ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -