HomeWarkiiCali Guud-laawe oo si xun u aflgaadeeyay Xil. Xaadoole

Cali Guud-laawe oo si xun u aflgaadeeyay Xil. Xaadoole

May be an image of 1 person and daisJOWHAR (DAYNIILE.COM)-Waaxaa cirka isku sii shareeraya xurgufta siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guud-laawe Xuiseen iyo Xildhibaan Xaadoole oo baarlamaaka Somalia ka mid ah islamarkaana deegaan doorashadiisu tahay Hirshabelle.

Inkastoo Xildhibaan Xaadoole uu hore hadalo xanaf leh hawada u mariyay Madaxweynaha Hirshabelle balse jawaab culus ayaa markiisa la soo siiyay markii uu afka furtay Calio xuseen Guud-laawe oo aan waxba u reeban xildhibaanka.

Cali Guud-laawe oo maanta hadalo ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa markiisa hadalo xanafle ku yiri xildhibaan xaadoole xili.

Cali Guud-laawe wuxuu sheegay in Xildhibaan Xaadoole yahay doqon hadii si kasta reerku ugu caqli celiyana bartiisa ka sii wadan doono doqonimada.

Madaxweyne Cali Guud-laawe wuxuu sheekadaan usoo qaatay markii xaadoole dhawaan hadalo uu isaga ka sheegay ay ka falceliyeen sida uu sheegay dad kala duwan oo waxgarad,aqoon-yahan iyo culumaa’udiinba isugu jira laakiin aysan waxba u tareyn sida uu warka u dhigay.

Tusaale uu isticmaalay Cali Guud-laawe ayaa ahaa sheeko loo soo qaato nin doqon ah oo inta dhumay reerkiisu soo heleen balse markii guriga la keenay ee la yiri doqonkii waan soo helnay ayuu inta hadlay wuxuu yiri maxaad iga soo heleysaan hadana kii dhumaan ahee.

Waxaaba ka sii darneyd in mar kale Guud-laawe si toos ah Xaadoole ugu sheegay inuu yahay xildhibaanka kaliya ee reer Hirshabelle ee isbaaro u taalo taasoo iyadana ah eed kale oo culus.

lama oga sida xildhibaanku kaga fal celin doono hadalada Guud-laawe uu maanta ka jeediyay Jowhar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -