Home Blog Page 3

XOGTA: Xiisada ka dhex taagan Xildhibaanada mucaradka iyo Gudoomiye Aadan Madoobe

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa isasoo taraya xiisad siyaasadeed oo ka dhex taagan xildhibaano u badan kuwii awalba mucaaradka ku ahaa hogaanka dalka iyo baarlamaanka taasoo cirka isku sii shareertay markii mid ka mida xildhibaanada mucaaradka uu xasaanada ka qaaday gudoomiye Aadan Madoobe.

Xildhibaano la sheegay inay boqol gaarayaan ayaa maanta waxay shir ku yeesheen Muqdisho iyagoona muujiyay sida ay uga soo horjeedeen hakadka ku yimid kulamadii Baarlamanka iyagoona ku eedeeyay gudoomiye Aadan Madoobe inuu xirtay.

Warsaxaafadeed ay shirkooda ka soo saareen ayay ku muujiyeen in Gudoomiye Aadan Madoobe uu ku xad-gudbay shuruucda u taal Baarlamaanka sida xeer-hoosaadka,sidoo kale waxay ku adkeysteen mooshinka ay ka keeneen Gudoomiyaha.

Xildhibaanadaan ayaa aamisan in Gudoomiyuhu ka baqayo mooshin isaga ka dhan ah oo xilka looga qaadayo sidaas daraadeed uu u xirey fadhiyadii Baarlamaanka.

Gudoonka ayaa isna aaminsan in Xildhibaanada qaarkood laga wadi waayay fadhiyada baarlamaanka.

Xildhibaanada Mucaaradka hada waxay shaaciyeen in hadii uusan Gudoomiyuhu dib u furin shirarka inay hoteelada Muqdisho ku dooran doonaan Gudoomiye kale taasoo xiisada uga sii dari karta hadii ay ku dhaqaaqaan inkastoo aysan wax sharciyad ah heysan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Taliyaha ciidamada guud ee SSC Khaatumo oo loo magacaabay Sarkaal ka soo shaqeeyay Madaxtooyada Somalia

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Hogaamiyaha SSC Khaatumo C/qaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Khaatumo u magacaabay G/Sare C/fataax Maxamed Aadan Cabdi (Dabagale) oo hore uga soo shaqeeyay Madaxtooyada Soomaaliya.
Taliye C/fataax ayaa hada ahaa kuxigeenka taliyaha guud ee ciidamada Darwaawiishta ee dhawan xilka baneeyey sareeyo guuto Saleeban Bare Geesood.
Gaashaanle Dabagale waxaa uu hore uga soo shaqeeyay madaxtooyada Villa Somalia wuxuuna xiriir la leeyahay inta badan Saraakiisha sar sare ee ciidamada Xoogga Dalka Somalia sida Taliye Odowaa Yuusuf Raagge.
Si kastaba Sarkaalkaan waxaa hada xilka loogu dhiibay si kumeel gaar ah, waxaana la rajeynayaa in si rasmi ah uu xilkaasi ula wareego.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM May be an image of ‎1 person and ‎text that says "‎Stpg שול 食文県 G/SARE CABDIFATAAX MAXAMED G/SARECABDIFATAXMAXAMEDADANG AADAN CABDI TALIYAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA SSC-KHAATUMO ssc-khaatumostatehouse SSC ssc-khaatumo state house‎"‎‎

Xil. C/qaadir Cosoble oo si kulul uga hadlay kadib markii  lagu adkeeyay la kulanka Madaxweynaha.

Xildhibaan C/qadir Cosoble ayaa si kulul uga hadlay kadib markii  lagu adkeeyay la kulanka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.
Xildhibaanka ayaa isagoo careysan wuxuu warqad furan u soo qorey Madaxweynaha kadibna baraha bulshada ayuu soo geliyay.
Xildhibaanku wuxuu warqadiisa ku sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay uu dhowr jeer isku dayay inuu la xiriiro Madaxweynaha isagoo raadinayay ballan kulan rasmi ah balse ay suurtageli weysay.
mar uu ka hadlayay qaabka ay ugu adkaatay la kulanka Madaxweynaha ayuu tilmaamay inuu meel kasta u maray oo xitaa uu la xiriiiray dhallinyarada Madaxweynaha la shaqeysa, balse uusan helin wax jawaab ah.
Si kastaba Warqadiisa ayuu ku cadeeyay xildhibaanku inuu ku qasabanaaday inuu Puplic kula hadlo Madaxweynaha madaama uu awoodi waayay inuu si hoose ula hadlo.
“Maadaama aan si hoose kuugu soo gudbin kari waayey baaqeyga, waxaan ku qasbanaaday inaan si daahfuran ah kuugu soo gudbiyo. ” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir
Xildhibaan C/qaadir wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay iskala tirsanaan jireen midowgii musharraxiinta xiligii farmaajo iyagoo isla mucaaradayay Dowladaasi.
 “Mudane Madaxweyne, sax ma aha in aad ku indho adeegto wixii adiga iyo anaga oo badan aan ka diidnay madaxweynihii hore, taasoo aan wada ognahay in ay noo horseedi karto burbur cusub iyo waddanka oo yeesha dhowr Madaxweyne.” ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa
Xildhibaan Cosoble ayaa soo jeediyay tallooyin badan oo uu ku doonayo in dalka looga badbaadiyo jahawareer siyaasadeed. Waxa uu ku booriyay Madaxweynaha inuu ka laabto uruurinta
Xildhibaan C/qaadir Cosoble wuxuu u soo jeediyay Madaxweyne Xassan inuu ka laabto awoodda ee halka gacan ku urursan.
Sidoo kale wuxuu usoo jeediyay Madaxweynaha inuu qabto shir loo dhan yahay kaasoo ay ka soo wada muuqdaan dhammaan saamileyda siyaasadda sida Maamulada Jubaland iyo Puntland.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la xaqiijiyo doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo hufan, lagu kalsoonaan karo,sidoo kale laga shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dagaalka lagula jiro Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweynaha Ruushka oo Casuumay Madaxweynaha Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Dalkiisa Dalka Ruushka  Vladimir Putin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa casuumaada Madaxweyne Xasan ku muujiyay inay tahay ka qeygalka shir caasimada Ruushka ka dhici doona oo u dhexeeya Madaxda Jaamacada Carabta iyo Dalka Ruushka.

Fariinta Casuuimaada waxaa Muqdisho soo gaarsiiyay Mikhail L. Bogdanov oo ah  Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka kaasoo dhawaan Madaxtooyada Somalia kula kulmay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa lagu wadaa inuu dalalka Carabta kala hadlo arimo ay ka mid yihiin xaalada Gaza iyo xiriirka labada dhinac sidii loo wanaajin lahaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Hantidhowrka Qaranka oo maanta Muqdisho ka furey tababar ku saabsan nidaamka maareynta heshiisyada+SAWIRRO

Muqdisho – Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (XHGS) ayaa maanta si rasmi ah u furay wajiga saddexaad ee tababar ku saabsan Nidaamka Maareynta Heshiisyada (Contract Management System – CMS) ee dowladda.
Tababarkan, oo ay ka faa’iideysteen 20 hawl-wadeen oo ka kala socda 14 hay’adood oo dowladeed, ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo uu XHGS waday muddooyinkii la soo dhaafay. Horey, waxaa nidaamkan loogu tababaray saraakiil iyo hawl-wadeenno ka kala socday 30 hay’adood oo durba si habsami leh ugu shaqeynaya.
Hantidhowraha Guud ee JFS, Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, oo daahfuray wajigan saddexaad, ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay casriyeynta nidaamyada dowliga ah, fududeynta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo xoojinta hufnaanta maamulka.
“Dukumiintiga adag ama waraqaddaha ah waxa uu noolaan karaa waqti kooban, balse xogta dhijitaalka ah waa mid waarta oo dhowrsan, lana heli karo xilli kasta oo loo baahdo,” ayuu yiri Hantidhowraha Guud, isagoo sharaxaya doorka muhiimka ah ee Nidaamka CMS-ka ee kaydinta iyo maaraynta heshiisyada dowladda.
Sidoo kale, Hantidhowraha Guud waxa uu xusay in horumarka teknolojiyadeed uu yahay laf-dhabarta dhisidda kalsoonida shacabka iyo kor-u-qaadidda u hoggaansanaanta sharciga, taas oo aas-aas u ah horumar waara.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu ballan qaaday in uu sii wadi doono tababarrada ilaa dhammaan hay’adaha dowladda ay si buuxda ula jaanqaadaan adeegsiga nidaamkan casriga ah ee kor u qaadaya hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo maamul-wanaagga.May be an image of 1 person, studying, suit and newsroomMay be an image of 1 personMay be an image of 9 people, people studying, table and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 5 peopleMay be an image of 7 people, people studying, table and textMay be an image of 10 people and people studying

Wasiir Jaamac muxuu kala hadlay Safiirka Dalka Turkey+SAWIRRO

May be an image of 2 people, suit, dais, newsroom and textWasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.
Wasiir Cabdulqaadir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay diyaar garowga Türkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda iskaashi waara oo labada dal dhexmara.
Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo sii dardargeliyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.May be an image of 4 people, suit and textMay be an image of 7 people and text

Maxaa ka jira in wali ay jirto isku shaandheynta Golaha Wasiirada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya inay wali dhamaan qorshaha isku shaandhetynta Golaha wasiirada xili shalay sedex wasiir la isu badalay kuwaasoo kala hayay xilalka wasaarada gaashandhiga,Wasaarada arimaha dibada iyo Ra’iisulwasaare xigeenka 2-aad.

Wararka aan hada soo baxaya waxay sheegayaan in laba wasiir oo madaxweynaha Xassan aad ugu dhaw iyaga la isku badalayo saacadaha soo socda kuwaasoo kala ah Wasiiru Dowladaha arimaha dibada Cali Balcad iyo Abshir Bukhaari oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

Cali Balcad ayaa lagu wadaa in loo dhiibo wasiiru Dowlaha Madaxtooyada halka abshir Bukhaari loo wado Wasiiru Dowlaha arimaha dibada xili labada masuulba ay yihiin gacan yarayaasha Madaxweyne Xassan.

Talaabada labadaan wasiir uu iskugu badalayo lama oga inay raaci doonaan wasiiro kale oo sidaas oo kale la isku badalayo, laakiin asbuucyadaan waxaa macquul ah in la dhameystiro isku shaandheynta inta ka dhiman.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wasiirka ciyaaraha oo maanta booqday tuulada isbortiga Garoonka Eng. Yariisow+SAWIRRO iyo

May be an image of 7 peopleWasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/qaadir Cali ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Tuulada Ciyaaraha Stadium Muqdisho, Xarunta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, iyo Garoonka Eng. Yariisow.
Booqashada wasiirka ayaa ahayd mid lagu dardargelinayo horumarinta kaabayaasha cayaaraha iyo dhiirigelinta shaqaalaha iyo ciyaartoyda Soomaaliyeed.
Intii uu booqashada ku guda jiray Wuxuu kormeer guud ku sameeyay Tuulada Ciyaaraha Stadium Muqdisho, laga bilaabo garoonka, Hotel-ka, Xarunta Xiriirka Kubadda Cagta ee dhawaan xariga laga jari doono & qeybaha kale.
Wasiirka ayaana Si Rasmi ah U Daah-furay Xarunta NIRA, oo loo asteeyay in Shaqaalaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta & Ciyaartoydaba loogu sameeyo Kaararka Aqoonsiga Qaranka.
Waxa uu sidoo kale kormeer ku sameeyay aqoon-kororsi ay qaadanayeen Garsoorka Soomaaliyeed, oo kor loogu qaadayo tayadooda xirfadeed iyo heerka caalami ee ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda garsoornimo.
Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyay Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed oo sharaxaad ka siiyay Wasiirka shaqooyinka iyo horumarka uu xiriirku sameeyay, gaar ahaan dhinacyada maamulka, tababarka garsoorka, iyo habka casriga ah ee aqoonsiga shaqaalaha.
Mudane Maxamed C/qaadir Cali ayaa bogaadiyay horumarka la taaban karo ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, wuxuuna ballan qaaday in Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ay si buuxda u taageeri doonto dadaallada lagu horumarinayo cayaaraha dalka.
Ugu dambeyntii, Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee xarumaha, isagoo dhiirigelin u jeediyay shaqaalaha, garsoorayaasha, iyo maamulka xiriirka, isaga oo xusay muhiimada ay leedahay in la sii dardargeliyo adeegyada iyo xirfadaha shaqaalaha ciyaaraha Soomaaliyeed.May be an image of 7 people and text that says "ARADDA O CA HALLI HA DA"May be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people, beard and text that says "SFF SFF SEF SFF SFE SFF SFF SFF SPE SPF SFE SEE * SFF SFF SPR SFF FOOTBALL FOOTBAL DENEN SFF SEE IT SFF SEF SPF SFF"May be an image of 5 people, beard, people studying, suit and newsroomMay be an image of 1 person, beard, smiling and newsroomMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people, beard, dais and newsroomMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 1 person, beard and newsroomMay be an image of 1 person and textMay be an image of 8 people, people playing football and textMay be an image of 2 people, beard, suit and newsroomMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of 2 people and beardMay be an image of 3 people, beard, people studying and suitMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people and people studyingMay be an image of 5 people, beard and suitMay be an image of 7 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people, beard and suitMay be an image of 2 people, suit, clothes iron and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people, beard and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 7 people, grass and treeMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people, beard and people smilingMay be an image of 8 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people, dais, newsroom and text that says "N IBS BSBMALI MALI NAL AL 脇場 VISA a"May be an image of 7 people, beard, suit and wrist watchMay be an image of 9 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 person and suitMay be an image of 2 people, dais and text that says "SEF SFI SFF FOOTBALL FEDCA CON SFF"May be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 people and beardMay be an image of 10 people

Sucuudiga oo Dalal Somalia ay ka mid tahay u diiday inay sanadkaan gutaan acmaasha Xajka

RIYADH (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Wasaarada Xajka Dalka Sacuudiga ayaa lagu shaaciyay inay hakiyeen bixinta Viisaha Xajka iyo cumrada 14 dal oo afrika iyo Assia u badan waxaana qeyb ka ah  dalalkaani Somalia.

Dalalkaan waxaa ka mida Somalia,Iran,Sudan, Itoobiya,Negeria, Congo,Libiya,India,Pakistan iyo Bangladesh sida muuqata dalalkaani waxaa u badan Afrika iyo Assia.

Sababta ayay Dowlada Sacuudigu ku sheegtay arimo dhanka amniga iyo ciriiriga xajka oo aad u batay darteed.

Warka Sacuudiga ayaa la macno ah in sanadkaani aysan dalalkaani gudan doonin acmaasha sanadka madaama ay cuskanayaan arimo ku saabsan kala yareynta dadka faraha badan ee ciririga badan isku qaba xiliga gudashada acmaashaasi.

Talaabada hakinta bixinta Viisaha dalalkaasi ayaa ku soo aadaya ka hor waqtigii la bixin jirey viisaha xujeyda iyo waliba ka hor xiliga gudashada xajka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS