Home Blog Page 80

Juventus Oo Shaqada Ka Caydhisay Thiago Motta.

Kooxda Juventus ayaa qaaday Tallaabo lama filaan ah iyaga oo shaqada ka caydhiyay tababarohooda Thiago Motta.

Juventus ayaa si rasmi ah u ceyrisay macalinkeeda Thiago Motta ka dib sideed bilood oo kaliya oo uu maamulayay, iyadoo Igor Tudor u magacawday badalkiisa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Juventus FC waxa ay ku dhawaaqeysaa in Thiago Motta laga qaaday xilkii tababaranimo ee kooxda koowaad”ayaa lagu yiri bayaan.

“Kooxdu waxay jeclaan lahayd inay u mahadceliso Thiago Motta iyo dhammaan shaqaalihiisa xirfaddooda iyo shaqadii ay bilihii la soo dhaafay u qabteen si xamaasad leh, kooxdu waxay u rajeyneysaa nasiib wanaagsan mustaqbalka”.

“Juventus FC waxay sidoo kale ku dhawaaqeysaa in Kooxda Koowaad ee Ragga uu hadda hogaamin doono Igor Tudor, kaasoo maamuli doona tababarkiisa ugu horeeya berri, Isniin, 24 March.”

Maxaa looga hadlay kulankii dhex-maray Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya, gaar ahaan amniga, la dagaallanka Khawaarijta iyo doorka hawlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha in uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimaado Muqdisho, taas oo muujineysa ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka hadlay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ee lagu ciribtirayo Khawaarijta oo halis ku ah amniga guud ee gobolka.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.May be an image of 2 people, the Oval Office and daisMay be an image of 8 people and suitMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and the Oval OfficeMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and suitMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 2 people, dais and text

Madaxweyne Xassan oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Midowga Afrika+SAWIRRO

Muqdisho, Maarso 23, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya, isagoo xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada xasuuqa ku haya shacabka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda jiritaanka iyo horumarka dalka, waxa uuna ammaanay sida dalalka Gobolka ay u kordhiyeen garab istaagga ku aaddan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.
“Argagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Soomaaliya, dhulkii iyo dadkiiba waa diideen. Alle idankii, waaa ku guuleysan doonnaa in aan gebi ahaanba ka dabar-goyno dalkayaga oo iska dulqaadno dhagartooda, boobkooda iyo xasuuqa ay ku hayaan nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed”.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa isla qaatay horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyo xoojinta amniga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato geeddi-socodka dib u habaynta Midowga Afrika, kana shaqeyso in ay khibraddeeda daminta colaadaha sokeeye iyo nabadaynta ay uga faa’iideyso dalalka qaaradda iyo gobolka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaWaxay noqon kartaa sawirka 2 qof, masrax iyo qoraalWaxay noqon kartaa sawirka 7 qof, masrax iyo qoraalWaxay noqon kartaa sawirka 2 qof, masrax iyo qoraalWaxay noqon kartaa sawirka 2 qof, masrax iyo qoraalWaxay noqon kartaa sawirka 2 qof iyo Xafiiska Shaqada ee Madaxweynaha MareykankaWaxay noqon kartaa sawirka 5 qofWaxay noqon kartaa sawirka 1 qof, masrax iyo qoraalWaxay noqon kartaa sawirka 9 qof iyo qoraalWaxay noqon kartaa sawirka 1 qof, masrax iyo qoraalWaxay noqon kartaa sawirka 2 qof, masrax iyo qoraalWaxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo masraxWaxay noqon kartaa sawirka 2 qof, masrax iyo qoraal

Talo ku socoto Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Sheikh Cali Dheere,

Talo ku sokcoto Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Sheikh Cali Dheere,

Dowlada Somalia oo beenisay war Puntland ka soo baxay

Dowlada Somalia oo beenisay war Puntland ka soo baxay kaasoo ahaa in Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ay degmooyin ka tirsan gobolka Mudug dhanka Puntland u diwaan gelisay dhanka Galmudug taasoo ah iska horkeenka labada mamul.

“Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug.

NIRA waxay caddaynaysaa in foomka Baraha Bulshada lagu faafiyay uu yahay mid been-abuur ah, foomka rasmiga ah ee Hay’adda waxaa laga heli karaa websaydkeeda iyo xarumaheeda kala duwan.”

Faahfaahinta arrintan ka akhri War-Saxaafadeedka hoose.May be a graphic of text

XOGTA: Dagaal culus oo Gaarisa ku dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Alshabaab

GARISA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in dagaal culus u dhexmaray ciidamada Kenya iyo Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaabka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaa ay weerar ku qaadeen xero ciidan oo Milateriga Kenya ku leeyihiin deegaanka biya-madoobi ee Degmada Faafi ee Gobolka Garisa Waqooyi bari-Kenya.

Dagaalkaan ayaa la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo dadka deegaankaasi ka dhaw soo tabiyeen inay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo rasaasta la is dhaafsanayay.

Dagaalka waxaa la soo sheegayaa inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh balse aaney jirin warar madax banaan oo cadeynaya khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

Kooxda Alshabaab ayaa dhankooda guulo ka sheetay weerarkaani ,waxay baraha bulshada ku shaaciyeen inay weerarkooda kula wareegeen xeradii ciidamada kenya ee ay weerarka ku qaadeen inkastoo dhanka Dowlada Kenya aysan wax wara ka soo bixin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweyne Xassan oo Muqdisho ugu soo laabtay inuu la kulmo Gudoomiyaha Midowga Afrika

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho xili uu maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa furimaha dagaalka si uu u hago dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa wararka aan heleyno wuxuu Muqdisho u yimid si uu ula kulmo Gudoomiyaha Midowga Africa Maxamuud Cali Yuusuf.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu dib ugu laaban doono furimaha marka uu kulanka la qaato Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynuhu sidan oo kale Muqdisho ugu soo laabtay isagoona la kulamay Wafdi ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo uu hogaainayay Wasiirka arimaha dibada Dalkaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Doonidii dhawaan burcad badeedu af-duubteen oo la sii daayay

QANDALA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo xeebaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya burcad badeeda ay sii daayeen dooni ay dhawaan ka afduubteen xeebaha Maamulkaasi.

Doonidaaniaan kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen balse ay saarnaayeen shaqaale soomaali ah ayay burcadu uga tageen si nabad ah 20-kii bishii Maarso meel u dhow deegaan xeebeedka Dhinowda.

Ciidamada Midowga Yurub ee Baddaheena ka howlgala ayaa maalin kadib gaaray halkii doonta ay uga tageen burcada iyagoona xaqiijiyay in dhamaan shaqaalihii doonta oo Soomaali ah inay nabad qabaan.

Doon oo magaceeda lagu sheegay Al-Hidaaya, ayaa la qafaashay 16-kii bishaan Maarso waxayna sii daayeen oo isaga tageen 20-kii Bishaan iyadoona la soo sheegin wax madax furasho ah oo la siiyay ,sidoo kale ma jirto wax howgal dagaal ah oo lagu soo daayay,waxaana muuqata inay iskood uga tageen inastoo ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka EUNAVFOR) ATALANTA ay ku daba jireen kooxda burcad badeeda.

Dhanka kale tan iyo markii uu dhashay sanadkaan cusub ee 2025-ka waxaa la diiwaan geliyay ilaa afar howlgal bucad badeednimo ah kuwaasoo gabi ahaantood ka dhacay xeebaha Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Gudoomiyaha Midowga Afrika oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

May be an image of 2 people and aircraftMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Midowga Afrika,  Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho kaasoo bishii hore uun xilkaani sare loo doortay.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay wafdiga Gudoomiye Maxamuud Cali Yuusuf.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf socdaalkiisan waxay noqoneysaa tii ugu horeeyay uu ku yimido Magaalada Muqdisho waxaana uu kulamo muhiim ah uu la qaadan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare  Xamsa Cabdi Barre.
Dowlada iyo Gudoomiyaha waxay ka wada hadli doonaan arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 6 people and aircraftMay be an image of 6 people, aircraft and text that says "PL"May be an image of 9 people and textMay be an image of 3 people and helicopterMay be an image of 8 people and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and helicopterMay be an image of 6 people and text

NISA oo Baydhaba ku soo bandhigtay Alshabaab badan oo isasoo dhiibtay

BAYSDHABA (DAYNIILE.COM)-Sida warbaahinta Dowlada goor dhaw lagu shaaciyay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda qaranka ee NISA ayaa magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koofur-galbeed Alshabaab badan oo dhanka Dowlada isku soo dhiibeen.
Alshabaabka isa soo dhiibtay oo dhalinyaro da’yar u badan ayaa tiradoodu tahay 10 ruux kuwaasoo dhamaantood rag ah.
Kooxdaan ayaa sababaha ay uga soo tageen Alshabaab waxaa lagu sheegay kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada iyo duurgalka ay ku jiraan kooxdu.
Dhanka kale waxay talaabadaani ku soo aadeysaa xili maalmihii ugu dambeeyay diyaarado dagaal oo casiri ah lagu duqeynayay kooxda iyo goobaha ay ku sugan yihiiin gaar ahaan gobolada ay dagaalada hada ka wadaan sida Shabeelaha hoose,Shabeelaha dhexe,Jubada dhexe,Hiiraan iyo Gal-gaduud.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and beardMay be an image of 1 person, smiling, playing American football and playing footballMay be an image of 1 person, beard and smiling
- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS