Home Blog Page 88

XOGTA: Masiibo sababtay in wiil iyo adeer-kiis isku goob ku geeriyoodaan

KABETE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo ismaamulka Kiambu ee dalka Kenya ayaa sheegaya in tuulo halkaasi hoos tagta ay ka dhacday arin dadka deegaanka aad uga naxeen taasoo ah geeri si la yaab leh ugu timid wiil iyo adeerkiis.

Tuulada Nyathuna ee degmada Kabete ee ismaamulka Kiambu waxaa la soo sheegayaa inuu wiil isku riday ceel isagoo rabay inuu is dilo balse adeerkiis oo rabay inuu soo bad-baadiyo ayaa isna isku tuuray ceelka oo ahaa 36 miitir dhirir ahaan.

Arinta dadka deegaanka aadka uga naxeen ayaa ahayd in adeerkii ku guul dareystay inuu wiilka soo bixiyo balse taas badalkeeda labadoodiiba waxay ku neef qabatimoodeen ceelka oo uu ku yaraa oksijiinka taasoo keentay inay labadoodaba halkaasi ku geeriyoodaaan.

Meydadka wiilka ceelka isku riday oo lagu magacaabo Ian iyo  Adeerkiis oo lagu magacaabo Robert Ngugu ayaa laga soo saaray  gudaha ceelka waxaana loo qaaday isbitaalka deegaanka qeybtiisa meydadka  la dhigo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xiisad ka dhex taagan Dowladaha Somalia iyo Kenya kadib dil iyo dhaawac loo geystay ciidamo Kenyaan ah

MADERA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya xad beeneedka u dhexeeya Somalia iyo Kenya gaar ahaan Magaalooyinka Balad-xaawo iyo Mandera ayaa sheegaya in halkaasi uu ka taagan yahay xiisad u dhexeysa Dowladaha Kenya iyo Somalia.

Xiisadaan ayaa ka dhalatay kadib markii Dowlada Kenya ku eedeysay ciidamada sirdoonka Somalia ee NISA inay Mandera tageen kadibna weerareen booliis kenyaati ah, sidoo kalana ay weerarka ku dileen hal askari, mid kalana dhaawaceen islamarkaana laba qoreyna soo furteen.

Inkastoo Dowlada Somalia si rasmi ah uga hadlin sheegashada Dowlada Kenya hadana wararka ay faafinayaan kenya ayaa waxaa ku jira inay ku wargeliyeen maamulka Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo kadibna Dowlada Somalia ay hal qorey oo faal ah dib ugu soo celiyeen balse uu wali ka maqan yahay qorey AK47 ah.

Sarkaal u hadlay Dowlada Kenya oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay inay Dowlada Somalia uga fadhiyaan inay soo qabtaan ciidamada NISA ee dhibaatada gaarsiiyay cidankooda islamarkaana gacanta Kenya soo geliyaan.

Magaca askariga la dilay oo Booliis ah waxaa lagu sheegay Constable Dennis Omari halka kan dhaawaca ah isna magaciisa lagu sheegay Wright Mokua.

Sidoo kale labada qorey ee ciidamada Kenya laga soo qaatay ayaa sharaxaad dheeraad ah laga bixiyay iyadoo qoreyga askariga dhintay lagu sheegay nooca G3 lambarkiisuna yahay A00708) iyo rasaastiisa oo lagu sheegay 60 baalooto,sidoo kale qoreyga kale oo ahaa nuuca AK47 ayaa isna lagu sheegay lambarkiisa 5501352 ,waxaana lala qaatay rasaastiisa oo 30 baalooto ahayd waa sida ay warka u dhigeen Kenyaanka.

Taliyaha Baarista Dembiyada ee Magaalada Mandera sarkaalka lagu magacaabo Pius Gitari oo ah masuulka la hadlay saxaafada ayaa xusay in ciidamada Somalia ay rabeen inay Mandera ka soo afduubtaan ciidamada Boliiska qaarkood si ay ugu gorgortamaan laba Somali ah oo u xiran Booliiska Kenya kuwaasoo loo heysto isku day afduub shaqaale shiinees ah oo mashruuc dhisme ka waday Magaalada Mandera.

Taliyaha Baarista Dembiyada ee Mandera wuxuu intaasi ku daray in mid ka mida kuwa  mandera hore loogu xiray walaalkiis uu hogaaminayay weerarkaani ciidamada Soomaalida ah ay soo qaadeen sida uu warka u dhigay.

Si kastaba taliska sirdoonka qaranka Somalia ee NISA wali war rasmi ah kama soo saarin eedeynta ka timid dhanka Dowlada Kenya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Mareykanka oo beeniyay inuu shaqaalihiisa kala baxay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay warar baraha bulshada lagu shaaciyay kuwaasoo sheegayay inay sababo amni darteed shaqaalaheeda ugala baxeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalkeena Somalia.

Warka ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inaaney waxba ka jirin wararkaasi islamarkaana shaqadooda ay caadi u wataan shaqadooda gaar ahaan tan saaarada.

Safiirka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday inay bilaabeen  daadgureynta shaqaalahooda muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ku sugan.

Mareykanka ayaa sida caadiga ah waxay mararka qaar shaaciyeen digniino ay ka bixiyaan in Alshabaab muqdisho ka geysanayaan weeraro qaraxyo iyagoo gooba gaar ah cayima sida garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo goobaha la isugu yimaado

Sidoo kale safaarada digniinahaan ka soo baxaya xitaa waxay muwaadiniintooda uga digaan ama uga joojiyaan inay Somalia usoo safraan dan kasta ha ka yeeshaane.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Md Sharif Sheikh Ahmed oo sheegay mudnaanta ay leedahay in la ilaaliyo dastuurka & xoojinta ku dhaqanka sharciga.

Waxaan Magaaladda Baku ee caasimadda dalka Azerbiajan kaga qaybgalay madal caalami ah oo looga hadlay arrimo badan oo quseeya adduunka gaar ahaan Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo illaalinta xeerarka lagu heshiiyay ee la xiriira dowladnimada.

Intii ay socdeen doodaha laga jeediyey madashaan caalamiga ah ayaa waxaan si gaar ah uga hadlay caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira dalkeenna iyo dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ah wali ku hayaan nidaamka dowliga ah.

Waxaan kaloo diirrada saaray sida ay muhiim u tahay in xasillooni iyo nabad waarta la heli karo oo kaliya marka dowladuhu ay ixtiraamaan dastuuradooda islamarkaana xoojiyaan ku dhaqanka sharciga, una hoggaansamaan muddo xileedkooda.

Dhinaca kale, waxaan kulamo kala duwan la yeeshay madaxdii ka qaybgashay Madashaan caalamiga ah waxaana ka mid ahaa Madaxwaynaha Aserbajaan Mudane Ilham Aliyev.

Dowlada oo goor dhaw warsaxaafadeed ka soo saartay Duqeymaha Jilib

Muqdisho 16 Maarso 2025: Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo Khawaarijta ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.
Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beegsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob.
Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartimaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa cadowga Khawaarijta ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobollada Sheeballaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta dagaalka jihaadka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta inta ay joogaan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.
Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaalyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta.May be an image of map and text that says "Ministry War CIIDANKA QARANKA IYO FULIYAY MAGAALADA JILIB. Muqdisho sameeyeen CAALAMKA HOWLGAL aad qorsheeyay Maarso 2025: Howlgal Qaranka iyo xarumo muhiim Khawaarijta gobalka Jubbada Dhexe, ay ugu samayn jireen tababarada daganaayeen Xasan lagu ay labo qaraxyada iyo labo guri Amiin. lagu Howlgalkaan ayaa beedsaday, waxaana gaarsiiyay wali dowladdu cadowga, kuwaas goobaha dhimasho isugu iyo wado tirokoob. kale cadowga Khawaarijta yaala xadka gobalada Sheeballaha deegaanka Mubaarak gobalka Shabeellaha Hoose. burburiyeen fariisimihii deegaanka Ceelbacad Galgaduud iyo kaashanaya dagaalka jihaadka mid Digniin, Khawaarijta inta inay xoojinta joogaan waxay uga digaysaa Dowladda sugan dhowaadaan xarumaha Khawaarijta goobaha Khawaarijta lagu beegsanayo goob joogaan Degmada"

Saciid Dani muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobe

May be an image of 2 people and daisBoosaaso: 16 March 2025: Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo, Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

Qaramada Midoobey ayaa boggaadisay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo dadaalka ay Puntland ku bixisay hawlgalka qorsheysan ee Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad, waxaa kale oo Kulanka looga hadlay Amniga Guud, Mashaariicda horumarin iyo bani’aadantinimo ee Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.May be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of 3 people, beard and suitMay be an image of 2 people, people studying, dais and newsroomMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 4 people, beard and suitMay be an image of 3 people, people studying and suitMay be an image of 5 people, dais and text

XOGTA: Hadal heynta ah in Itoobiyaanku duqeeyeen Jilib iyo jawaabta Dowlada Somalia 

Faah Faahin:- Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqeyn Ka Geystay Gobolka Gedo  – GoobjoogJILIB (DAYNIILE.COM)-Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay wararka ah  in Duqeymo culus oo dhanka cirka ah laga fuliyay Xarunta ama saldhiga ugu weyn ee Alshabaab oo ah Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Sidoo kale duqeynahaan oo ay Saraakiisha Alshabaab lala eegtay waxaa la sheegay inay si gaar ah u fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Itoobiya,waxaana si rasmi ah jawaab uga bixiyay  Afhayeenka Wasaarada Difaaca Somalia oo wareysi siiyay Idaacada iyo TV-ga Dalsan.

Afhayeenka Wuxuu qirey in diyaaradaha Itoobiya fuliyeen weerarkaasi isagoona carabka ku adkeeyay in Itoobiya ka mid tahay saaxiibada Dowlada Somalia ee ku garab siiya la dagaalanka Alshabaab.

“sidaas la socotaan Itoobiya waxay ka mid tahay saaxiibada Dowlada Somalia sidoo kale waxay qeyb ka yihiin howlgalada la dagaalanka argagaxisada Somalia”ayuu yiri Af-hayeenka Wasaarada Difaaca

“Duqeymaha Jililb waxaa lagu dilay Xubno sare oo ka tirsan Alshabaab, Sidoo kale duqeymaha waxay ka dhaceen Gobolada shabeelaha hoose iyo shbeelaha dhexe’’ ayuu yiri  Afhayeenka

Mar uu ka hadlaayay ujeedka duqeymaha ayuu Af-hayeenku sheegay inay tahay sidii cadowga loogu naafeyn lahaa  islamarkaana shacabka Soomaaliyeed loogu bad-baadiyo.

Dhanka kale wuxuu meesha ka saaray in duqeymuhu yihiin kuwo aan loo aaba yeelin magaalada balse wuxuu carabka ku dhutay in  weerarku yahay mid leh bartilmaameed islamarkaana lala eegtay xero ay leyihiin dagaalamayaasha Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Mid ka mida la taliyayaashii Madaxweyne Xassan oo xilka laga qaaday

MUQDISHO, Maarso 16, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee xiriirka dowlad-goboleedyada, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka in ay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, waxa uuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Fiorentina vs Juventus waa la ciyaari doonaa, laakiin ciyaarta Serie B ayaa dib loo dhigay

Fiorentina-Juventus ayaa si joogto ah loo ciyaari doonaa maalinta Axada garoonka Stadio Franchi ee magaalada Florence, laakiin kulankii Seria B ee Pisa-Mantova ayaa dib loo dhigay sababo la xidhiidha cimilada oo xun.

Duqa magaalada Florence’s Sara Funaro ayaa sabtidii xaqiijiyay in kulanka axada ee Seria A ee u dhexeeya kooxaha Fiorentina iyo Juventus uu u dhici doono sidii loo qorsheeyay.

“Ma jirto sabab aan loo ciyaarin,” Funaro ayaa yidhi, sida uu soo xigtay Gazzetta.

Waxaa jiray walaac laga qabo in ciyaarta dib loo dhigo sababo la xiriira cimilada oo xumaatay iyo roobab xooggan oo ka da’ay Florence iyo nawaaxigeeda

Qeybo kamid ah dalka Mareykanka oo dad badan ku dhintay

 

Dalka Mareykanka gobollo katirsan waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay duufaano xooggan oo ku dhuftay, kuwaa oo dhaliyay khasaarooyin badan.

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay Mareykanka ,waxaana ka mid ah 12 ku dhimatay Missouri keliya , kadib markii duufaan culus ay ku dhufatay gobollada koofur-bari, iyadoo gawaarida iyo guryahaba ay saameysay.

Gobolka Kansas, ugu yaraan siddeed qof ayaa geeriyooday kadib markii in ka badan 55 gaari ay shil galeen sababo la xiriira duufaanta busta wadata.
In ka badan 250,000 guri ayaa koronto la’aan ku ah ilaa toddoba gobol oo ay ku jiraan Michigan, Missouri iyo Illinois.

Duufaan kale oo culus ayaa la filayaa inay gobolka ku dhufato, iyadoo digniinno laga soo saaray bariga Louisiana, galbeedka Georgia, bartamaha Tennessee iyo galbeedka Florida Panhandle

- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS