XAWAADLEEY (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Xawaadleey ee Gobolka Shabeeaha dhexe ayaa sheegaya in banaanka magaaladaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Alshabab iyo ciidamada Dowlada oo garab ka helayay kuwa deegaanka ee loo yaqaan Af-jar.
Dagaalkaan oo la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay afafka hore ee Degmada Xawaadleey oo ay joogaan ciidamo badan oo Milateriga Somalia ka tirsan iyo kuwa Afjar ee deegaanka.
Gudoomiyaha Degmada Xawadley Ibrahin Bashiir Cumar ayaa ka hadlay dagaalka wuxuuna ugu horeyn sheegay inaaney jirin dagaal weyn oo dhacay kaliyana uu ahaa dagaal aan sidaa u weyneyn.
“meel magaalada banaankeeda ah ayay weear ka soo qaadeen gaar ahaan buqda biyaha dhanka beeraha ah,wuxuuna iska ahaa weerar arbushaad ah, waxaana ka hortagay oo iska caabiyay ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Afjar ee Deegaanka”ayuu yiri Gudoomiyaha Xawaadleey.
Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale qirey inuu jiro khasaare nafeed balse wuxuu sheegay inan wali xog saxa laga diyaarin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM