Ururka 164’aad Guutada 16’aad ee kumaandooska Danab XDS ayaa howlgal lagu xaqiijinaayo amniga ka sameeyey tuulooyin iyo deegaano Kuteedsan Degmada Mahadaay ee Gobalka Shebeaha Dhexe.
Deeganada Ciidanka Danab ay howlagalada kasameyeen laguna baacsanayay xubno katirsan Khawaariijta ayaa kala ah cadalow, buurfuule iyo buurane.
Howlgalkan Ayaa Hogaaminaayey Taliye xigeenka ururka 164’aad
L/X/LE Daahir xuseen jimcaale (kabayare)
Taliyaha ayaana kulan laqaatay Dadka kunool tuulooyinka laga sameeyey howlagalada isagoona uga mahad ciliyay sida ay marwaliba ay Garab Taagan Yihiin geesiyaasha Ciidanka Danab.




