Sida goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia
Ciidamada Qaranka ayaa saacadihii la soo dhaafay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen.
Howlgalka ayaa si gaar ah lagu begsaday saldhigyo ay argagixisadu ku lahaayeen dhulka beeraha ah, kuwaas oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ku dhibaateynayeen shacabka.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in kooxda laga burburiyay guud ahaan goobihii ay gabbaad ka dhiganayeen, ayna kasoo abaabuli jireen dhagarta dadka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale sheegeen in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga gobolka.