Gaalkacyo, May 10,2025: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Mudug, wuxuu si rasmi ah u shaaciyey in lagu guuleystay qabashada xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor), kaasoo horey maxkamada Ciidamadda ay dil toogasho ah ugu xukuntay, kadib markii lagu helay dambiyo culus oo ka dhan ah amniga iyo nolosha shacabka.
Hawlgal si taxadar leh loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u u fuliyeen Ciidamada Booliska, shacabka ku dhaqan deegaanada Wisil iyo Bacaadwayne ayaa lagu soo qabtay xukumanaha, kaasi oo muddo ku dhuumaaleysanayey gudaha Gobolka Mudug.
Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa ka tirsanaa shabakad falal dilal qorsheysan ah ka geysatay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda, waxaana uu horey uga baxsaday gacanta Dawladda.
Laamaha amniga Puntland oo si joogto ah u raadinayay, isla markaana madaxiisa dul dhigay abaal-marin lacageed, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay ku qabtaan deegaanka Bacaadwayne ee maamulka Galmudug, kaas oo hadda loo gudbiyay Xabsiga Dhexe si loo mariyo habraaca sharciga ee xukunkii horey loogu riday.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu u mahadcelinayaa shacabka deegaanka iyo ciidamada deegaanka ee gacan weyn ka geystay hawlgalka lagu qabtay xukumanaha, wuxuuna shacabka Puntland u xaqiijinayaa in laamaha amniga ay ka go’an tahay suggidda amniga iyo hirgelinta sharciga.
– DHAMMAAD –
Wixii Faahfaahin Dheeraad ah kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
