HomeWarkiiCiidamada Puntland oo howlgal ku qaarajiyay dagaal-yahano Daacish ka tirsanaa

Ciidamada Puntland oo howlgal ku qaarajiyay dagaal-yahano Daacish ka tirsanaa

CALMISKAD (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Daraawiishta Puntland ee qeybta ka ah howlgalka ciribtirka argagaxisada Daacish ayaa saacadihii ugu dambeeyay fuliyay howlgal qorsheysna oo ka dhan ahaa kooxda Daacish ee  buuraha Gobolka Bari ku dhuumaaleysta.

Ciidamada ayaa sida ay saxaafada u sheegeen howlgalka ku dilay dagaalyahano ka tirsan Daacish kadib weerar ay ku qaadeen degaannada Xal iyo Walinsoor ee buuraha Calmiskaad halkaas oo ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale ciidamada Puntland ayaa howlgalkaan waxay ku gubeen raashin iyo agab kale oo godad ugu keydsanaa kooxda argagaxisada Daacish.

Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland oo warbaahinta u shaaraxayay howlgalkaan ayaa intaasi ku daray maalmihii ugu dambeeyay ku wadeen howlgalada ay ka fulinayaan deegaanada xal iyo walinsoor.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -