Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay taliskii ugu weynaa ee kooxda argagixisada Daacish ee ku yaallay togga Miiraale. Ciidamada ayaa sidoo kale ku howlan raadinta firxadkii khawaarijta ee goobta ka cararay.
Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in si guul ah uu ku soo dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka “Calmiskaad”, kaasi oo lagu beegsaday xarumaha iyo saldhigyada kooxda Khawaarijts ee buuraha Cal Miskaat.
“Ciidanku wuxuu la wareegay taliskii argagixisada ee Togga Miiraale
Ceelashii xarunta u ahaa iyo kii ugu dambeeyayba hadda waa la qabtay. Hawlgalku wuxuu ahaa mid Cir iyo Dhul ah, wejigii 3-aadna si guul leh ayuu ku soo dhammaaday,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ceelashii xarunta u ahaa iyo kii ugu dambeeyayba hadda waa la qabtay. Hawlgalku wuxuu ahaa mid Cir iyo Dhul ah, wejigii 3-aadna si guul leh ayuu ku soo dhammaaday,” ayaa lagu yiri bayaanka.
