CALMISKAAD (DAYNIILE.COM)-Sida saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland goor dhaw shaaciyeen weerar ayay saaka mar kale ku qaadeen dagaalamayaasha Daacish ee wali ku dambeya buuraha Gobolka Bari.
Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo howlgalka Maamulka Puntland ee ka dhanka ah Daacish ayaa sheegaya diyaaradaha dagaalka mareykanku saacadihii ugu dambeeyay ee shalay ka gacan siiyeen Puntland in gogodka lagu duqeeyo daacish.
Meelaha la duqeeyay ayaa la soo sheegayaa inay yihiin ilaa afar goobood oo saldhigyo ay ku lahaayeen dagaalamayaasha ajaanibtu ku jiraan ee Daacish.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in goobaha la duqeeyay lagu dilay xubno ka tirsan kooxda daacish,sidoo kale wararka saraakiisha Puntland waxaa lagu sheegay in shalay Daacish laga saaray saldhigoodii ugu muhiimsanaa aaga toga Miraale.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM