Dowlada Itoobiya oo mudooyinkii u danbeysay ku howlanayd tababar siinta ciidamo badeed ayaa hada la soo sheegaya inay ugu danbeyn howlgelisay iyagoo wata dooman hub uu saaran yahay.
Itoobiya madaama aysan bad lahayn ciidamada ay diyaariyeen oo loogu magac daray Booliska Xeebaha waxay hada ka howlgeliyeen Harooyin ku yaalla dalkaasi.
Ciidaamdaani oo Dowlada Faransiisku siisay tababar sare waxay ilaalin doonaan biyo-xidheenka Korontada laga dhalinayo ee Abay ama wabiga Nil halkaasoo muran xooggan uu kala dhexeeyo Dowlada Masar.
Ciidamada badda Itoobiya oo baraha bulshada ka dhaliyay hadal heyn badan madaama ay bad lahayn Itoobiya ayaa wararkii la faafiyay waxaa ka mid ahaa itoobiya inay isu diyaarineyso sidii dhul badeed uga xoogi lahayd Ereteria ama Somalia inkastoo hada ay muuqato in wabiga laga howlgeliyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
