HomeWarkiiCiidamo Soomaali ah oo Dalka Qadar u shaqeynayay oo Muqdisho loogu soo...

Ciidamo Soomaali ah oo Dalka Qadar u shaqeynayay oo Muqdisho loogu soo celiyay dagaalada Alshabaab.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Qadar ayaa Muqdisho ku soo celisay qaar ka mid ah Boqolaal Ciidamo Soomaali ah oo ka mid ah ciidamadooda kuwaasoo ay dalbatay Dowlada Somalia.

Ciidamadaan Muqdisho soo gaaray oo gaaraya 300 ayaa loo keenay inay ka qeybgalaan dagaalada Dowlada iyo Alshabaab ka dhexeeya kuwaasoo ka socda Gobolada dalka sida shabeelooyinka.

Asakartaan oo Dowlada Qadar ay tababartay ayaa ku biirey ciidamada Dalka Qadar waxaana dalbaday oo codsaday Dowlada Somaaliya iyadoo tirada ciidamada Somalia la keenayo ay ka badan inta hada timid.

Boqolaal kale ayaa lagu wadaa in maalaha soo socda sidaan oo kale ay Dowlada Qadar u soo dirto Muqdisho madaama Dowlada Somalia ay codsatay ciidamadaani inay qeyb ka noqdaan kuwa dadaagaada kula jira Alshabaab.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadaani ay si gaar ah uga howlgeli doonaan Gobolada shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe oo deris la ah caasimada dalka ee Muqdisho.

Dhanka kale talaabada Dowlada Qadar ciidamada ugu soo dirtay Muqdisho ayaa ku soo aadaya xili dhawan Dalkaasi uu marti-gelinayo shir looga hadli doono sidii dhaqaale loogu heli lahaa howlgalka loogu magac daray nabad ilaalinta ee ciidamada Midowga Afrika.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -