HomeWarkiiDaahir Maxamuud Geele  siyaasiga Qunyar socodka ah ee Mucaaradka isku badalay

Daahir Maxamuud Geele  siyaasiga Qunyar socodka ah ee Mucaaradka isku badalay

 

Siyaasiga  Daahir Maxamuud Geele ahna Gudoomiyaha Xisbiga Dan Qaran ayaa saacadihii la soo dhaafay warbaahinta Soomaalida aad u hadal haysay, kadib Markii iska Casilay Xilka  la-taliyaha Madaxweyne Xasan sheikh ee arimaha  Carabta, waxa uuna noqday afhayeenka Cusub ee Mucaaradka.

Siyaasiga wadaadka ah ee afka Gaaban oo aan inta badan saxaafada ka soo muuqan Daahir Maxamuud Geele ayaa, waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sanadihii la soo dhaafaay ka soo dhex muuqday siyaasada Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamaa siyaasi af Gaaban oo aan inta badan shaqsiyan u weerarin shaqsiga Hogaaminaya Dowlada jirta,  Madaxweynaha Hogaaminayo Balse sheega siyaasad ahaan waxay ku qaldan tahay Dowlada jirta, halka siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay meel ka dhac kula kacaan shaqsiga Dalka Hogaaminaya ama Madaxweynaha jooga Villa Somaliya.

Daahir Maxamuud Geele  ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho 1966.,  waxa uuna wax barashadiisa ku qaatay Marka laga reebo Soomaaliya Jaamacada Al-Azhar University in Cairo Egypt,  waxa uuna ka wataa Diploma in Political Science, and a Master of Arts in Political Science.

Siyaasigaan Qunyar socodka ah ayaa soo Noqday sanadihii la soo dhaafay, oo Xilal kala duwan ka soo qabtay 4 Dowladood ee iskaga danbeeyay Villa Soomaaliya laga soo bilaabo Madaxweynihii Dowladii KMG ahayd sheikh shariif sheikh  axmed, haatana ah Mucaaradka wayn.

Wasiirkii Warfaafinta Dowladii sheikh shariif 2019-kii

Safiirkii Sacuudiga Dowladii Madaxweyne Xasan sheikh 2012- ilaa 2017-kii

3- Wasiirkii Warfaafinta Dowladii  Maxamed C.laahi Farmaajo, waxa uuna maalmo ka hor ahaa intii uusan iska calin la-taliyaha Madaxweyne Xasan sheikh ee arimaha  Carabta.

Sidoo kale Danjire Siyaasi Daahir Maxamuud geele ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay shaqsi ku soo koray ama siyaasada Soomaaliya fahamsan Meesha ay wax ka qaldanyihiin.

La soco qeybta kale Warbixintaan

W/Q/ Abdihakim elmi Hassan

Nairobi Kenya

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -