HomeWarkiiDAAWO: Magaalada Laas-caanood oo goor dhaw lagu soo dhaweeyay maxaabiis ay soo...

DAAWO: Magaalada Laas-caanood oo goor dhaw lagu soo dhaweeyay maxaabiis ay soo deysay Somaliland 

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Magaalada Laas-caanood ee xarunta Maamulka SSC Khaatumo waxaa goor dhaw lagu soo dhaweeyay oo soo gaaray Cabdi Mudalib iyo Aarsade oo ka mida ahaa ragii usoo halgalay in Somaliland laga saaro Magaalada Laas-caanood inkastoo ay u gacan galeen Somaliland intii dagaalku socday.

Fagaaraha ama taalada shuhadada loo yaqaan ee Laas-caanood ku taa ayay boqolaal shacab ahi isugu soo baxeen iyagoo aad usoo dhaweeyay labada nin ee caanka ka ah Laas-caanodo ee Cabdi Mudalib iyo Aarsade.

Maamulka Somaliland ayaa soo daayay maxaabiistaan kadib markii dhawaan SSC Khaatumo ay sii deysay 25 maxbuus oo ka soo jeeda dhanka maamulka Somaliland kuwaasoo iyagana dagaalka lagu qabtay.

Hadalo kooban oo ay ka jeediyeen fagaaraha lagu soo dhaweeyay ayay labaduba ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin inay xoriyadooda dib u heleen,sidoo kale waxay xuseen inay ku faraxsan yihiin mira dhalka guusha ay u halgameen sida ay sheegeen.

Sidoo kale waxay muujiyeen inay maanta taagan yihiin faraxada dhulkoodii oo xor ah iyo maamul u gaar ah oo ay yeesheen iyo dadkoodii oo faraxsan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -