MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id uu qabtay si kulul uga hadlay wariyayaal Soomaaliyeed oo maanta ciidamada Dowladu ku xireen Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Shariif wuxuu ugu horeyn cambaareeyay falka ciidamada Dowaldu ku xireen wariyayaasha isagoona ku tilmaamay caburin iyo tacadi ka dhan ah saxaafada.
“Waxaan cambaaraynayaa tacadiyada iyo caburinta ka dhanka ah suxufiyiinta iyo warbaahinta xorta ah, waxaana nasiib darro ah in nidaamka maanta jira oo sheeganaya inuu rabo doorasho qof iyo cod ah uusan aqbali karin in weriyeyaashu ay soo gudbiyaan dareenka iyo aragtida shacabka”ayuu yiri Xildhibaan Shariif
Sidoo kale Masuulkaan oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ayaa carabka ku adkeeyay in Falalkaasi uu ka soo horjeedo dowladnimada iyo dastuurka Dalka.
Halkaan ka daawi muuqaalka faahfaahinta hadalka Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed:-