MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Agaasumaha Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo hadalo ka jeediyay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa si cad u sheegay in reerka uu ka soo jeedo ee Xawaadle ay gurmad u baahan yihiin madaama kaligood ay Alshabaa dagaal kula jiraan.
Agaasimaha wuxuu u qeyla dhaansaday beelaha dega Galmudug iyo waliba reeraha Hiiraan la dega Xawaadle .
“Maanta garab ayaan u baahanahay , waa hadii hilib isugu keena yaal,oo Soomaalinimo naga dhexeyo,waa hadii ay ehelnimo jirto,waa hadii Dowladnimada hada la haysto oo intaan oo umad ahi ay dhiigooda u bixinayaan ay naga dhaxeyso” ayuu yiri Agaasime Sanbaloolshe.
Sidoo kale Agaasimaha wuxuu xusay oo soo hadal qaaday in beesha uu ka soo jeedo ee Xawaadle ay dagaalka ku wehliyaan Hiiraan ahaan beesha Jejeele oo kaliya,wuxuuna sidoo kale ugu baaqay beelaha kale ee reer Hiiraan inay dagaalka soo galaan.
Halkaan ka daawo hadalka Agaasimaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed:-