HomeWarkiiDAAWO: Qarax dhimasho iyo dhaawacba sababay oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Baraawe

DAAWO: Qarax dhimasho iyo dhaawacba sababay oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Baraawe

BARAAWE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalo Xeebeedka Baraawe ee Gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay qarax miino oo gaari lagu soo xirey.

Qaraxa oo hore loogu soo diyaarshay Baabuur NOAH ah  ayaa wuxuu ku qarxay halka lagu baaro gaadiidka galaya garoonka diyaaradaha Magaalada Baraawe.

Warar kale ayaa sheegaya in gaariga oo uu lahaa nin ka ganacsada qaadka uu ku qarxay baakinka gaadiidka ee garoonka diyaaradaha Baraawe.

Inta la ogyahay waxaa qaraxa ku dhintay 2 ruux halka 4 kalana ku dhaawacmeen kuwaasoo badankood ahaa dad shacaba.

Guud ahaan amaanka Magaalada Baraawe ayaa fiinaa waqtiyadii u dambeysay iyadoo ay ku wada sugan yihiin ciidamo Uganda u dhashay oo ATMIS ku howlgala iyo kuwa ciidamada Maamulka Koofur-galbeed intaba.

Hadaba halkaan ka daawo muuqaalka gaariga qarxay:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -