HomeWarkiiDab ka kacay Xaafado ka mida Magaalada Nairobi oo sababay dhimasho badan

Dab ka kacay Xaafado ka mida Magaalada Nairobi oo sababay dhimasho badan

NAIROBI (DAYNIILE)-Wararka laga helaayo Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa sheegaya in dab ka kacay xaafada Mathare  oo ay degan yihiin dadka danta yar uu sababay khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Inta la ogyahay waxaa ku dhintay dabkaan 5 ruux halka 4 kalana ay dhaawacyo halis ah qabaan kuwaasoo lagula tacaalayo goobaha caafimaadka.

Dabkaan intii uu socday waxaa gurmad soo sameeyay kooxda Dab-damiska,Ciidamada Milateiga iyo qaar bulshada ka mida kuwaasoo dhamaantood la tacaalayay sidii dabka loo baktiijin lahaa.

Ku dhawaad Toban qoys oo xaafadaan degana ayaa ku gurya beelay markii dabbku galaaftay guryahodoa iyo wixii agab yiilay .

Taliyaha booliiska Nairobi George Sedah ayaa ka hadlay dabkaani khasaaraha nafed geystay wuxuuna sheegay in dabka uu ka kacay mid ka mid ah dhismayaasha birta ah ka hor inta uusan si degdeg ah ugu faafin kuwa kale sida ay sheegtay idaacada StarFM.

Sidoo kle Taliyaha wuxuu xusay dabkaani baabi’iyay ugu yaraan sideed guri inkastoo uusan sii sharixin hadii Dowladu caawisay dadka dabkaani uu dhigay hoy la’an.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -