GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka soo baxaya Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in kooxo hubeyani xalay saqdii dhexe dad shacaba ku dileen halkaasi.
Kooxaha hubeysan ayaa toogtay oo naftana dhaafiyay laba nin oo ka yimid masaajid kuwaasoo waardiye ka ahaa xarun ganacs oo Magaalada Garowe ku taal.
Kooxihii dilka fuliyay ayaa goobta ka baxsaday lamana yaqaan sababta ay labadaani nin u dileen iyo halka ay ka tirsan yihiin intaba.
Ciidamada Booliiska ayaa mar danbe gaaray goobta dilku ka dhacay mana jirto wax dad ah oo ay u soo qabteen xitaa tuhun ahaan madaama ay baxsadeen gacan ku dhiiglayaasha.
Laamaga amaanka waxaa lagu wadaa inay faah-faahin ka bixiyaan weerarkaani labada nin lagu dilay marka ay war sugan ka helaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM