HomeWarkiiDagaal kooban oo Deegaanka Shaxda ku dhex-maray Maamulada SSC Khaatumo iyo Puntland.

Dagaal kooban oo Deegaanka Shaxda ku dhex-maray Maamulada SSC Khaatumo iyo Puntland.

QARDHO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya  deegaanada xadka Maamulada Puntland iyo SSC Khaatumo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal kooban oo u dhexeeyay ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo SSC Khaatumo.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamo uu watay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Puntland iyo ciidamo kale oo ka soo jeeda dhanka SSC Khaatumo kadib markii sida la sheegay in Wasiiru Dowluhu damcay inuu kulamo siyaasadeed ku qabto Deegaanka Shaxda halkaasoo maalmihii dabe labada dhinc isku hayeen.

Inkatsoo dagaalku geysan wax khasaare ah inta laga war hayo hadana waxaa la soo sheegayaa n ciidamada SSC Khaatumo ka hor istaageen Wasiirka inuu gudaha Deegaanka Shaxda kulamo kula yeesho dadka deegaanka islamarkaana la hadlo dadka deegaankani.

Wasiiru Dowlaha oo wali ku sugan Shacxda hadana waxaa la soo sheegayaa inay jirto xiisad u dhexeysa labada dhinac taasoo sababi karta iska hor imaad kale.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -