HomeWarkiiDagaal ka dhacay Magaalada Garoowe iyo khasaaraha ka dhashay

Dagaal ka dhacay Magaalada Garoowe iyo khasaaraha ka dhashay

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in saaka iyo xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland dhexdooda gaar ahaan kuwa Booliiska iyo ilaalada Gudoonka Baarlamanka.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidamada Saldhiga Galbeed ee Garowe ay qorey ka qaateen mid ka mid ah ilaalada ama istaafka Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland oo marayay nawaaxiga saldhiga.

Ciidamo ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka carooday falka qoreyga looga qaatay laguna xirey mid ka mida ciidamadooda ayaa weerar ku soo qaaday Saldhiga Galbeed ee Magaalada Garoowe waxaana kadib goobta ka dhacay i rasaaseyn xooggan.

Khasaaraha nafeed ee ka dhasay is rasaaseynta maaha wax sidaa u sii weyn waxaana la sheegay in hal askari uu dhaawacmay oo kaliya.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in wali xiisadu taagan tahay islamarkaana saaka xitaa dagaalku mar kale dhacay inkastoo wali faah-faahin aan laga helin dagaalka saaka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -