HomeWarkiiDal Carbeed oo soo maal-geliyay qaar ka mid ah musharixiinta si loo...

Dal Carbeed oo soo maal-geliyay qaar ka mid ah musharixiinta si loo ay Dowlada kula dagaalaan Muqdisho

Maalmahan waxaa socda qorshe ay wadaan Dowlad-Carbeed iyo mid ka mid ah madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya oo la rabo in lagu maal-galiyo mucaaradka Muqdisho kasoo jeeda, si ay fowdo hubeysan u galiyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Labo ka mid ah siyaasiyiinta la rabo iney gacan ka hadalkan hoggaamiyan ayaa 45tii cisho ee lasoo dhaafay u safray dalkaas marti-galinaya fowdadaas lagu fashilanayo Xasan Sheekh, waxaana la warinaya in lasoo siiyay lacag yar oo af-bilaaw ah.
Xubin kale oo mucaarad ah oo isna Muqdisho kasoo jeeda oo ay siyaasad ahaan aad u kala foggaayeen Dowladdan Carbeed ee maalgalineysa mashruucan ayaa hada si hordhac ah ula heshiiyay Dowladdaas, kadib kulan Nairobi ku dhex-maray isaga iyo safiir horey Dowladdaas Carbeed ugu joogi jiray Muqdisho, laakiin xogtu waxay sheegeysa in musharaxaas uu gacan kasii ahaan doono mid ka mid ah madaxda maamul gobolleedyada xiriirka laleh Dalkan Carbeed, inta si fiican la isku qaadanayo.
Shaqooyinka laga rabo musharaxiintan waxaa ka mid ah qabashada kulamo siyaasaddeed oo ka dhan ah Xasan Sheekh, ololle hoos loogu dhigayo cadaawadda Soomaalidu u qabaan Dowladdaas Carbeed, kala fur furida ciidanka Dowladda, abaabulka banaanbaxyo rabshado wata, iney is hubeeyan oo ay tikniko iibsadan iyo iney marka ugu dambeysa awood ciidan ku joojiyan doorashada uu wado Xasan Sheekh oo ay kula dagaalaman Muqdisho.
Xubnahan waxaa gacan buuxda siinaya sida lagu heshiiyay mid ka mid ah madaxda maamul gobolleedyada oo hada noqday qofka Soomaaliga ah ee ugu dhow Dowladdaas Carbeed, kaas oo sidoo kale lagu amray inuu qabto shir deg deg ah oo lagu dhameystirayo mashruucan, laakiin shirka waxaa loogu yeeri doona mid guud oo looga tashanayo xaaladda dalka.
Mid ka mid ah musharaxiinta qaatay qandaraaskan ayaa dhowaan kulankii koowaad ku qabtay Muqdisho, halka xubnaha kale lagu amray iney dhowaan Muqdisho galaan.
Hadafka Dowladdan Carbeed u fulineyso mashruucan waa in Turkigu dib uga dego arrimaha Somalia, iney Xasan Sheekh fashiliyan, iney iyagu noqdan cida loo daba-fariisanayo arrimaha Somalia, inuu musharaxoodu noqdo qofka badali doona Xasan Sheekh iyo cadaawaddii guud ee waligood lagu eedeyn jiray oo ah in aaney rabin iney Soomaaliya cagaheeda ku istaagto.
Lama yaqaano inta uu gaarsiisanyahay baraarugga Xasan Sheekh ee halistan cusub, iyo sida uu nidaamkiisu uga hortagi doono in fowdo hubeysan la galiyo caasimadda.
Dadka Muqdisho degan ayaan sidoo kale la ogeyn iney aqbali doonan in fowdo hubeysan la galiyo caasimadda.
Waxaa Qorey: Wariye C/laahi Cusmaan Faarax 
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -