QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo ka geystay Qaza, halkaas oo ay ku dileen 50 qof tan iyo saqdii dhexe ee xalay, ka dib markii milatarigu uu ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada koonfureed ee Khan Younis inay ka baxsadaan “weerar aan horay loo arag”.
Hogaamiyayaasha Canada, France iyo UK ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan “tallaabo cad” oo ka dhan ah Israa’iil haddii ay joojin waydo duullaanka ka soo cusboonaaday Gaza, halka 22 dal ay Israa’iil ku boorinayaan inay u ogolaato gargaarka gobolka go’doonsan.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku gacan seyray baaqyadaas, wuxuuna ballan qaaday in uu sii wadi doono duullaanka, oo ay ku jiraan qorshayaal ay Israa’iil ku dooneyso in ay kula wareegto guud ahaan Gaza.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 53,475 falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 121,398, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Xafiiska Warbaahinta Dowladda ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay bishii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM