XIGASHO LAACIB.NET
Kabtan-ku-xigeenka Liverpool, Trent Alexander-Arnold, ayaa la sheegayaa inuu ka labalabaynayo suurtagalnimada uu ugu biiri lahaa Real Madrid, kadib markii uu ogaaday in kooxda reer Spain ay wajahayso dib-u-dhis muddo qaadan kara.
Inkasta oo warar hore sheegayeen in uu jiray heshiis afka ah oo u dhexeeya Alexander-Arnold iyo Real Madrid, haddana laacibka garabka midig ka ciyaara ayaa haatan dib u qiimeynaya qorshaha kooxda Madrid iyo sida uu u saameyn karo mustaqbalkiisa ciyaareed.
Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan wajahday caqabado dhanka difaaca ah, iyadoo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen ciyaartooy muhiim ah sida Dani Carvajal iyo Éder Militão. Maalgelinta kooxda ee dhanka difaaca tan iyo 2019 ayaa ahayd mid aad u yar – kaliya €5 milyan – taasoo su’aalo ka keentay sida ay uga go’an tahay xoojinta safka dambe.
Xaaladdan ayaa keentay in Alexander-Arnold uu is weydiiyo in waqtigan uu ku habboon yahay inuu u wareego Real Madrid, iyo in kale.
Dhanka kale, Liverpool ayaa doonaysa inay sii haysato laacibka kasoo baxay akadeemiyada kooxda. Inkastoo ay u soo bandhigtay heshiis cusub, haddana wada-hadallada ayaa hakad galay sababo la xiriira mushaharka. Liverpool waxay ka baqaysaa in haddii la siiyo Alexander-Arnold mushaar ka sarreeya kuwa Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk, ay keeni karto khilaaf gudaha kooxda ah.
Heshiiska Alexander-Arnold ee haatan jira ayaa dhacaya bisha Juun 2025, taasoo micnaheedu yahay inuu si xor ah heshiis ula gali karo kooxo kale oo dibadda ah.