XIGASHO LAACIB.NET
Sida laga soo xigtay Transfer News Live, kooxda Chelsea ayaa baaraysa heshiis hal bil ah oo ay la galaan weeraryahanka 40-jirka ah ee Al-Nassr, Cristiano Ronaldo, si uu ugu ciyaaro Koobka Adduunka ee Naadiyada FIFA 2025, kaasoo dhici doona 15-ka Juun ilaa 13-ka Luulyo.
Heshiiskan kumeel-gaarka ah wuxuu u oggolaanayaa Ronaldo kaliya inuu ka qaybqaato tartanka, iyadoo aan wax qorshe ah loo haynin inuu si rasmi ah ugu biiro Chelsea. Al-Nassr, oo ah kooxdiisa hadda, ayaa ku fashilantay inay iskeed ugu soo baxdo koobka kadib markii ay ka hartay AFC Champions League.
Chelsea, oo u qalantay koobkan iyagoo ku guuleystay Champions League sannadkii 2021, waxay wajihi doonaan Flamengo iyo Esperance Sportive de Tunis ee Group D, iyadoo kooxda saddexaad la xaqiijin doono kadib markii Club Leon laga eryay tartanka. Haddii Ronaldo lagu daro kooxda, waxay si weyn u xoojin kartaa rajada Chelsea ee hanashada koobkan.