HomeWarkiiDEG DEG: Dowlada oo Caawa Warsaxaafadeed ka soo saartay Duqeymo Cirka ah...

DEG DEG: Dowlada oo Caawa Warsaxaafadeed ka soo saartay Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Daacish

War-Saxaafadeed.
Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia
Muqdisho, 1-da Juun 2025: Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia.
Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Taliska AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.
-DHAMMAAD-May be an image of text that says "Duqeymo Cirka ah lagu beegsaday Kooxda Khawaarijta Muqdisho, 1-da Juun Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka duqeyn 2025: Iyadoo cirka ah kaashanayo Dowladda Federaalka Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay lagu beegsaday kooxda Khawaarijta beegan Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii magaalada dhacday 2025, meel halka qiyaastii dugeyntii labaadna gobolka Bari. 72km koonfur kaga beegan weerarada Howlgalladan ayaa qayb awoodda kooxda Khawaarijta argagixiso ciidamada qalabka sida saaxiibada caalamiga ah. wadajirka wiiqayo aaddan qorsheynta iyo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa sida Khawaarijta ah, saaxiibada caalamiga mahadcelinaysaa Taliska AFRICOM, go'an dagaallanka kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -