Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laai Farmajo ayaa goor dhaw qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay arinta dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Tahriibka ku dhamaatay kuwaasoo uu eedana si dadban dusha uga saaray hogaanka dowlada iyo maamulada dalka ka jira.
Qoraalka Farmaajo ayaa sidan u qornaa:-
Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn.
Dhacdadan xanuunka badan waxa ay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka da’yarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka.
Hoggaanka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ugu baaqaya in ay xoogga saaraan barnaamijyada dhiirri-gelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, lagana taxadaro tallaabooyinka dhaawacaya niyadda dhallinyarada oo ay ugu horreeyaan musuqmaasuqa, eexda, amni darrada iyo hubinti la’aanta siyaasadeed.
Dhallinyarada waxaan ku adkaynayaa in aysan naftooda tahluuko ku gelin safarro halis ah oo badankood ku dhammaanaya geeri iyo uur-kutaallo, ayna u jeestaan difaaca dadkooda iyo wax-soosaarka dalkooda. Waalidka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynayaa inay da’yarta oo ah tacabkoodii iyo mustaqbalkii waddaanka ka xakameeyaan tahriibka noloshooda galaafan kara.
Ugu dambayn waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan.
