HomeWarkiiDEG DEG: Maleeshiya Beeleed xirtay Xafiisyadii is diiwaan-gelinta doorashada

DEG DEG: Maleeshiya Beeleed xirtay Xafiisyadii is diiwaan-gelinta doorashada

DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Qabiilka Ceyr-Cabsiiye ay goor dhaw xirteen Xafiisyadii is diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod ee dhawaan uu daah-furey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.
Magaalada ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalad kacsanaan waxaana suurtagal ah inay gacan ka hadal isku rogto madaama maleeshiya beeleedku gadiid dagaal iyo ciidamo ay kula wareegeen xarutaasi,iyagoona dhamaan wadooyinka soo gala dhigay maleeshiyo hubeysan.
Dhuusamareeb, Galmudug Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug,
Warar horu-dhac ah ayaa sheegaya in Maleeshiya beeleedkeedku cabasho xooggan ka muujiyeen qaabka loo wajahay diyaarinta doorashada uu maamulka Galmudug ka bilaabay halkaasi.
Xarumaha ay maleeshiyaadku qabsadeen ayaa ah halkii ay ku shaqeyn lahaayeen xubnaha guddiga doorashada, kuwaas o dhowaan Dowladu u dirtay Magaalada Dhuusa-mareeb.
Sidoo kale waxyaabaha beesha Cayr tabaneyso waxaa ka mid ah in guddiga doorashada  liiska shaqaalaha iyo ka-qaybgalayaasha doorashada intuba aysan shaqsi ku lahayn islamarkaana la keensaday dad aan reerkaasi u dhalan madama ay iyagu yihiin reerka ugu badan ee dega magaalada Dhuusa-mareeb.
Hor-joogayaasha Maleeshiyaadka Beesha Ceyr ayaa dalbanaya in dib loogu laabto hab-raacyada loo maray soo xulista gudiga doorashada islamarkaana laga saaro dadka aan u dhalan beeshaasi ee sida ay sheegeen sida sharci dararada ah loogu soo daray.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -