MUQDISHO(DAYNIILE.COM)-Qarax xooggan ayaa goor dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob lagu diiwaan gelinayay ciidan cusub oo dowlada ku biiraya gaar ahaan xera Damaanyo.
Inkastoo wali faah-faahin laga helin hadana wararka horu dhaca ah ayaa sheegaya in ciidamadii safka ku jirey iyo dad shacaba ay dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaareen weerarkaani qarax ee lala eegtay goobtaasi.
Wixii war ah ee soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaa Insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM