Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa goor dhaw 12-ka saqda dhexe iyo daqiiqado Muqdisho laga maqlay qarax aad u xooggan kaasoo meelo badan oo magaalada ah laga maqlay.
qaraxaan waxaa wararka horu dhac ah ay sheegayaan inuu ka dhacay degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Xarunta gaadiidka.
Advertisement
Wararka la helayo waxay intaasi ku darayaan in qaraxa la dhigay afaafka hore guri uu degan yahay masuul Dowlada ka tirsan mana jirto wax khasaare ah oo la soo wariyay .
Faahfaahinta qaraxa wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM