MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida aan ku helnay warar ku dhaw dhaw Dowlada Somalia waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabanayaa 14-ka bishaan shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka.

Shirkaan oo lagu wado inuu furmo maalmaha soo socda ayaa daba socda kii maalmo ka hor Madaxweyne Xasan iclaamiyay balse la hakiyay.

Advertisement

Wararka ayaa tilmaamaya in shirkaani yahay kii ugu xasaasisanaa ee abid dhexmara Dowlada Xasan Sheekh iyo Madaxxa Maamul Goboleedyada madaama ay jiraan arimo culus oo labada dhinac isku hayaan.

Dowladu waxay dooneysaa in Madaxda Maamul Goboleedyada doorasho qabtaan sidoo kalana ay aqbalaan qorshaha Dowladu wadato gaar ahaan Dastuurka iyo habka doorashada ay rabaan u dhici doonto marka uu dhamaado mudo xileedka Madaxweyne Xasan.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynuhu rabo inuu ka iibiyo madaxda maamul Goboleedyada dhaqan gelinta dhameystirkii Dastuurka lagu sameeyay iyo sidii sidii loo sii wadi lahaa dagaalada ka dhanka ah Alshababa

Maamul Goboleedyada waxaa lagu wadaa inay shuruud uga dhigaan Dowlada dalabkeeda inay uga badashaan in madaxda maamuladu xilalka iska sii heystaan taasoo ku adag inay aqbasho Dowladu.

Lama oga in Xasan iyo Maamul Goboleedyadu is fahki doonaan iyo waliba inay ku kala tagi doonaan shirka islamarkaaana mari doonaan wadadii Puntland martay.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here