HomeCiyaarahaDEG-DEG: Rodrygo oo doonaya inuu ka tago Real Madrid

DEG-DEG: Rodrygo oo doonaya inuu ka tago Real Madrid

XIGASHO LAACIB.NET

Rodrygo ayaa ka niyad jabay nolosha uu ku heysto Real Madrid wuxuuna doonayaa inuu ka tago kooxda, sida uu si gaar ah ugu sheegay warbaahinta Radio Marca.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa rumeysan in uusan gaari doonin heerkiisa ugu sarreeya haddii uu sii joogo Real Madrid.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay la xiriirto in Rodrygo aan si joogto ah looga ciyaarsiin booskiisa ugu wanaagsan ee garabka bidix, maadaama Vinicius Junior iyo Kylian Mbappe ay yihiin xiddigaha ka mudan booskaas.

Kaliya wicitaan toos ah oo uga yimaada tababaraha cusub ee Real Madrid – oo la filayo inuu noqdo Xabi Alonso – ayaa laga yaabaa inuu ku qanciyo in Rodrygo kooxda sii joogo.

Waxaa jira kooxo badan oo dunida ka tirsan oo diyaar u ah inay la saxiixdaan Rodrygo haddii uu suuqa soo galo. Kooxo waaweyn sida Chelsea, Liverpool iyo Manchester City ayaa horey loola xiriiriyay saxiixiisa.

DEG-DEG: Rodrygo Oo Doonaya Inuu Ka Tago Real Madrid

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -