HomeCiyaarahaDEG-DEG: Rudiger Iyo Vázquez oo ganaax dheer la dul dhigay Kadib dhacdadii...

DEG-DEG: Rudiger Iyo Vázquez oo ganaax dheer la dul dhigay Kadib dhacdadii Copa Del Rey-ga

XIGASHO BBC SOMALI

Guddiga Tartamada ayaa ciqaabo dul dhigay dhowr ciyaartoy oo Real Madrid ah kaddib finalkii Copa del Rey.

Antonio Rüdiger waxaa la ganaaxay lix kulan, halka Lucas Vázquez uu wajahayo ganaax labo kulan ah.

Si kastaba ha ahaatee, saameynta ganaaxyadan ayaa ahaan doonta mid kooban. Rüdiger, oo dhaawac uga maqnaanaya garoomada muddo ku dhow hal bil iyo bar, wuxuu u badan yahay in inta badan ganaaxa uu ku qaato isagoo dhaawac ah, taasoo macnaheedu yahay inaysan wax badan ka beddelin xaaladdiisa inta ka hartay xilli ciyaareedka.

Iyadoo kaliya shan kulan oo La Liga ah ay ka harsan yihiin, Rüdiger wuxuu si buuxda uga maqnaan doonaa dhammaadka ololaha horyaalka.

Ganaaxa laba kulan ee Lucas Vázquez ma saameyn doono La Liga, wuxuuna u gudbi doonaa bilowga xilli ciyaareedka dambe, iyadoo laga yaabo inuu dhaqan galo wareegyada bug-baxa ee Copa del Rey.

Maadaama qandaraaskiisu dhacayo bisha Juun, ayna jirto hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalkiisa Real Madrid, Vázquez waxaa laga yaabaa inuusan ganaaxaasi xitaa ku qaadan kooxda.

Go’aan muhiim ah ayaa sidoo kale lagu gaaray in Jude Bellingham laga dhaafo ganaaxa, kaddib markii Real Madrid soo bandhigtay muuqaallo ka hor imanaya warbixintii garsooraha ee keentay in la siiyo kaarka cas.

DEG-DEG: Rudiger Iyo Vázquez Oo Ganaax Dheer La Dul Dhigay Kadib Dhacdadii Copa Del Rey-ga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -