Taliyahii guutada 26-Aad ee Ciidanka Xooga Dalka Cabdiraxmaan Xujaale ayaa la soo sheegayaa in goor dhaw lagu dilay Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Mubaax oo hoos taga Degmada Moqokori.
Wararka ayaa tilmaamaya in mid ka mida ilaaladiisa gaarka ah uu nafta dhaafiyay waliba uu qoreyga lidka diyaaradaha ku dhuftay.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaa in la qabtay gacan ku dhiiglaha dilay sarkaalkaasi iyo dhamaan ciidamadii la joogay.
Wixii ku soo kordha dilka taliyahaan wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan hadii Rabi idmo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
