HomeWarkiiDEG DEG: Warmurtiyeedka Mucaaradka oo la soo saaray

DEG DEG: Warmurtiyeedka Mucaaradka oo la soo saaray

Madasha Samata-bixinta Mucaaradka oo maalmihii ugu dambeeyay ku shirsanaa Muqdisho ayaa caawa ugu dambeyn soo saaray warmurtiyeed ay ku mideysan yihiin.

Warmurtiyeedka oo ay ku soo hadal qaadeen Madaxweyne Xassan  ayay ku dhaliileen talo isku kali-yeelka taasoo sida ay sheegeen uu ku wiiqayo heshiisyadii siyaasadeed ee Dowladanimada Somalia oo ka soo bilowday Jabuuti.

Mucaaradka warmurtoyeedkooda waxay ku cadeeyeen sidii meel looga soo wada-jeesan lahaa dagaalka kooxaha argagexisada ah ee Alshabaab iyo Daac1sh.
Mucaaradku waxay isku afgarteen dagaalka sibuuxdana loogu garab istaago dowladda, si loo badbaadiyo jirtaanka qarannimada Somalia.
Maamulida  iyo istiraatiijiyad xumida dagaalka ayay dhanka kale sheegeen in lagula xisaabtamayo Dowlada Somalia.
waxyaabaha lagula xisaabtamayo Dowlada waxay ka xuseen dayaca iyo daryeel la’aanta geesiyada naftood hurayaalka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha degaannada kala duwan.
Warmurtiyeedka waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sharciyada maamul goboleedyada muddo xileedkooda dhammaaday sida dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
Si kastaba Warmurtiyeedka oo sidiisa u qoran halkaan hoose ka akhriso insha Allaah.

May be an image of textMay be an image of 1 person and textMay be an image of text that says "1. Shariif Sheekh Axmed 2. Shariif Xasan Sheekh Aadan 3 3. Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan 4. 4. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) 5. Maxamad Xuseen Rooble 6 6. Cumar Cabdirashii Cali Sharmarke 7. Xasan Cali Khayre 8. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 9. Axmed Ciise Cawad 10.Cabdulqaadir Cosoble Cali 11.Dr. 11.Dr.Cabdinuur Cabdinuur Sheekh Maxamed 12.Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) 13.Daahir Maxamuud Geelle --Dhammaad--"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -