HomeWarkiiDEG DEG: Wasiir Fiqi Jawaab deg-deg ah ka bixiyay shirka mucaaradka u...

DEG DEG: Wasiir Fiqi Jawaab deg-deg ah ka bixiyay shirka mucaaradka u soo dhamaaday

Wasiirka arimaha dibada Axmed Macalin Fiqi ayaa barihiisa bulshada si degdeg ah ugu soo bandhigay qoraal uu si dadban ugu jawaabay shirka mucaaradka u soo dhamaaday iyo natiijadiisa.

Fiqi ayaa sheeko ahaan usoo qaatay jawaabta isagoona ka wada natiijada shirka mucaaradka balse si cad uma qeexin.

Hadaba sheekada Wasiir Fiqi ee jawaabta u ah soo dhamaanshaha shirka mucaaradka ayaa sidan u qorneyd:

Waxaa jirtay sheeko ah “in buur weyn ay bilowday inay ruxanto oo ay samayso dhawaaqyo culus iyo dildilaacyo xooggan sida in ay qarxi doonto oo kale. Dadkii aagga ka ag-dhowaa oo dhan ayaa isku soo baxay cabsi iyo welwel awgii iyagoo wadnaha farta ku haya oo sugaya waxa ka soo bixi doona buurtaas weyn.
Qof walba wuxuu filayay in buurta dab xooggan ka soo bixi doono, ama balaayo kale oo naxdin leh, ama masiibo wayn ay banaanka iman doonto…
Laakiin kadib ruxmid, gariir badan iyo cabsi dheer, wax walba waxa ay ku soo dhammaadeen iyadoo jiir yar oo keliya foolatay.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -