MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa maanta laga furey xarunta 3-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa xarigga ka jaray xaruntaan waxaana la jaray Agaasimaha Hay’ada Socdaalka Mustaf dhuxuloow, waxaana xarig jarka loo sameeyay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay.
Sidoo kale Masuuliyiinta ka qeybgalay waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Degmada Dayniile kaasoo hadaladii uu jeediyay ku muujiyay sida ay reer Dayniile ugu faraxsan yihiin talaabada Dowlada Somalia ay xaruntaani kaga fureen Deyniile.
Wasiirka Amniga Jen.Fartaag iyo Agaasime Mustaf Dhuxulow ayaa iyagana ka mid ahaa madaxdii ka hadashay iyadoo dhamaan masuuliyiintu xuseen sida shacabka reer Dayniile muhiimka ugu tahay in loo fududeeyay adeega Hay’ada socdaalka sida Baasboor qaadashada inay hada kadib degmo kale u aadi doonin.
Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Mustaf dhuxulow ayay masuuliyiintu uga mahad celiyeen kaalintiisa furitaanka xarunta 3-aad ee Hay’adda Socdaalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM