HomeCiyaarahaDembele Iyo Doue oo ku garaacay Raphinha Iyo Yamal abaalmarinnada ugu sarreeya...

Dembele Iyo Doue oo ku garaacay Raphinha Iyo Yamal abaalmarinnada ugu sarreeya tartanka Champions League

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa guul taariikhi ah oo 5-0 ku xasuuqday Inter Milan ciyaartii kama dambaysta ahayd ee UEFA Champions League, taasoo ay hormuud u ahaayeen Ousmane Dembele iyo Desire Doue, kuwaasoo hantay abaalmarinnada shaqsiyadeed ee ugu sarreeya tartanka.

Ousmane Dembele ayaa loo doortay Ciyaaryahanka Xilli Ciyaareedka ee UEFA Champions League 2024/25. Weeraryahanka 28 jirka ah wuxuu door weyn ka qaatay ololaha PSG isagoo dhaliyey 7 gool isla markaana bixiyey 1 caawin, 10 ciyaarood gudaheed. Saameyntiisa ciyaarta iyo awooddiisa hal-abuurka ayaa si weyn uga caawisay PSG inay ku guuleystaan Champions League markii ugu horreysay taariikhdooda.

Desire Doue, oo 19 jir ah, ayaa isna loo doortay Ciyaaryahanka Da’yarta ee Champions League xilli ciyaareed kaan. Ciyaartii kama dambaysta ahayd wuxuu ku soo bandhigay ciyaar cajiib ah isagoo dhaliyey 2 gool isla markaana bixiyey hal caawin. Waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee laba gool iyo caawin ka sameeya final-ka Champions League. Intii lagu jiray tartanka, wuxuu sidoo kale dhaliyey rigooradii go’aamisay guushii ay ka gaareen Liverpool wareegga 16-ka.

Inkastoo kooxda Barcelona ay ahayd kooxdii ugu cadcaddayd in ciyaartoydeedu qaataan abaalmarinnada shaqsiyadeed – iyadoo Raphinha uu lahaa 13 gool iyo 9 caawin, halka Lamine Yamal uu ahaa xidig dhalinyaro ah oo mucjiso ah – haddana abaalmarinta ugu dambeysay waxay gacanta u gashay labada xiddig ee PSG, taasoo markale muujisay awoodda kooxda reer France ee tartankan.The Touchline | Football Coverage on X: "❗️DID DOUÉ AND DEMBÉLÉ JUST  SECURED THE GOLDEN BOY + BALLON D'OR? https://t.co/fwyXLmv4rJ" / X

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -